Borama News Network

Xamaas oo markii ugu horreysay looga banaanbaxay Qasa gudaheeda

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay magaalada Gaza, iyagoo dalbanaya in dagaalka la joojiyo, isla markaana Xamaas ay xukunka ka degto, mudaaharaadkii ugu ballaarnaa oo looga soo horjeedo dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee gacanta ku haya marinka Gaza tan iyo markii uu dagaalku billowday 7-dii Oktoobar, 2023-kii.

Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay meel u dhow xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla Beit Lahia oo ku taalla waqooyiga marinka Gaza, kaddibna waxay socod ku mareen waddooyinka ay ku hareeraysan yihiin burburka dhismayaal iyo guryihii ku burburay dagaallada, agagaarka Isbitaalka Indonesia, halkaasoo ay ku qeylinayeen hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin “Xamas ha baxdo,” sida lagu sheegay muuqaal ku wareegayay baraha bulshada.

Xubno ka tirsan Xamaas oo wajiyada soo duubtay oo qaarkood hubaysan iyo kuwo kale oo budad watay, ayaa xoog ku kala eryay bannaanbaxayaasha.

Xamaas ayaan isla markiiba ka hadlin dibadbaxyada, balse taageerayaasha xarakada ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leeyihiin Xamaas.

AFP ayaa ku warantay in dadka uga ololeeya dhanka Telegram ay ku baaqeen in laga qayb qaato banaanbax la mid ah oo ka dhacay dhowr goobood oo Marinka Gaza Arbacadii.

Wakaaladdu waxay sheegtay inay adag tahay in la qiimeeyo heerka ay gaarsiisan tahay taageerada ama mucaaradka ka soo horjeeda dhaq-dhaqaaqa, oo maamula marinka Gaza, laguna tiriyo mid ka mid ah ururada siyaasadeed ee Falastiiniyiinta.

Sida lagu sheegay ra’yi ururin ay samaysay xarunta Falastiniyiinta ee siyaasadda iyo cilmi-baarista, 35 boqolkiiba Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza ayaa taageero u muujiyay ururka Xamaas bishii Sebtembar, halka boqolkiiba 26 ay taageero u muujiyeen dhaqdhaqaaqa Fatax ee uu hoggaamiyo madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas.

Afhayeenka Fatah ee Gaza, Munther al-Hayek, ayaa Sabtidii ugu baaqay Xamaas inay “ka baxaan goobta dowladda oo ay si buuxda u ogaadaan in dagaalka in la soo afjaro.”

Mudaaharaadyadan ayaa yimid maalin kadib markii dhaqdhaqaaqa Jihaad Islaami ee Falastiin ay gantaallo ku garaaceen dhulka Israa’iil.

Israa’iil ayaa markii dambe soo saartay go’aan ay dadka uga saarayso qeybo badan oo ka mid ah magaalada Beit Lahia, taas oo ka careysiisay dadweynaha deegaanka.

Israa’iil ayaa dib u billowday weeraradeeda Marinka Gaza 18-kii Maarso, ku dhawaad laba bilood ka dib xabbad-joojin la sameeyay oo 33 la haystayaal la sii daayay iyadoo lagu beddelayo ku dhawaad 1,800 maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku jiray xabsiyada Israa’iil.

Boqolaal falastiiniyiin ah ayaa la dilay oo la barakiciyay kadib markii Israa’iil ay dib u bilowday duqeymaha ay ku hayso dhulka Falastiin.

Mohammed Diab, oo deggan Beit Lahia, oo gurigiisa ku burburay dagaalka, walaalkiina lagu dilay duqayn ay Israa’iil fulisay sannad ka hor, ayaa ka mid ahaa dibadbaxayaasha. Waxa uu BBC-da u sheegay inaysan dooneyn inay meel cidla ku dhintaan iyadoo ajandaha xisbiga ama kooxda Xamaas uu u danayno danaha dalal shisheeye.

Waxa uu yiri Xamaas waa in ay “baxdaa oo ay dhegaysato codka murugada, codka ka soo baxaya burburka, waxaana dhihi karaa waa codka ugu daacadsan”.

Muuqaal laga soo duubay Beit Lahia ayaa sidoo kale muujinayay dibadbaxayaasha oo ku qeylinaya, “Ha dhaco xukunka Xamaas.”

Dhankeeda, TV-ga Xamaas ee Al-Aqsa ayaa baahiyay laba bayaan oo dhanka Telegram-ka ah, isagoo ku andacoonaya inay soo saareen mudanayaal ka tirsan maamul goboleedyada koonfurta iyo mudanayaal ka soo jeeda Beit Lahia ee waqooyiga.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dadka caanka ah iyo muqtaariinta ee Beit Lahia ay ka mid yihiin, “Iyada oo qayb ka ah dalabaadka lagu joojinayo dagaalka xasuuqa ah ee ay wado hay’adda Sahyuuniyadda oo taageero toos ah iyo taageero buuxda ka heleysa maamulka Mareykanka, iyagoo ugu baaqaya caalamka xorta ah in ay kordhiyaan cadaadiska cadowga Sahyuuniyadda si ay u joojiyaan daadinta dhiigga ee lagama maarmaanka u ah.”

Related posts

Somaliland Waxay Ilaawi La’adahay Jabkii Ka Soo Gaadhay Goojacade” Madaxwayne Deni

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Awood Gelinaya Sidii Xabbad-Joojin Looga Dhaqangelin Lahaa Magaalada Gaza.

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Itoobiya oo u murugooneysa dadki ku dhintay masiibadi dhul-go’a

Abdiaziz Bnnstaff