Borama News Network

Xamaas Oo Weerar Ku Laysay Askar Isrealiyiin Ah Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Weerarkaasi

Israa’iil ayaa xirtay marinka Kerem Shalom ee Qasa ka dib markii Xamaas ay gantaallo ka soo gantay aaggaas, kuwaas oo ay ku dhinteen askar Israa’iiliyiin ah.

Tirada askarta ayaa lagu sheegay ilaa saddex askari, iyadoo tiro kalena ku dhawaacantay weerarka.

Marinka ay Israa’iil xirtay ayaa ka mid ah waddooyinka yar ee la marsiiyo gargaarka bini’aadantinimo, oo ay ku jiraan cunno iyo sahayda caafimaadka, ee dadka Qasa loogu tala galay.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay u muuqdaan in wadahadallada ay gar-wadeenka ka yihiin dalalka Masar iyo Qatar ay fashilmeen.

Labada dhinac ee Israa’iil iyo Xamaas ayaana midba-midka kale ku eedeynayaa sababaha keenay in ay guuldaraystaan, wadahadalladan oo ujeedku ahaa in lagu gaaro xabad-joojin iyo siideynta maxaabiista labada dhinac.

Related posts

Duqeyn Lagu dilay Dad iyo Boqolaal Neef Oo Geel ah oo ka Dhacday Deegaanka Mellit

Abdiaziz Bnnstaff

“Diyaaradda Muqdisho Dul Maraysa Ayaan Qarxin..”Xildhibaan Timo-jilic

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo Sheegtay In Ayna Dowlada Fadaraalka Somaliya Aanay Wax Lug Ah Ku Lahayn Doorashooyinka Ka Dhacaya Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff