Maxaad ku xusuusataa markaad subag maqasho? Canjeero kulul amaba oodkac lagu sameeyay subag.
Subaggu mar buu Soomaalidu u ahaa cunno aysan ka maarmin oo waxyaabo badan iidaan looga dhigo, hase yeeshee muddooyinkii dambe waxyaabo badan ayaa beddelay sida saliid-caddeyda amaba macsarada iyo noocyo kale sida tan saytuunka.
Inkastoo subagga kan lo’da iyo arigaba laga isticmaalo meelo badan oo Soomaaliya ah, sidoo kalena qaaradda Aasiya sida Hindiya, haddana waxaa soo baxayay in haddii la iska badiyo uu dhibaato u leeyahay caafimaadka. Sababta ayaa ah in subagga uu leeyahay dux aad u badan.
Subagga waa waxa ugu saafisan ee laga soo saaro xoolaha, haddii ay ahaan lahayd lo’da amaba ariga.
Sida ay muujiyeen daraasado laga sameeyey sida uu subaggu ugu fiican yahay jirka bini’aadanka ayaa muujinaysa in maaddooyin muhiim u ah caafimaadku ay ku jiraan subagga kuwaas oo qaybtood ka hortaga cudurro halis leh.
Subagga waxaa ku jira noocyo kala duwan oo oo fitamiinnada sida A,K,D iyo dufanta noociisa kan wacan iyo kan daran.
Vitamin A ayaa nooc muhiim ah oo jirka ka helo subagga kaas oo ka hortaga cudurro halis ah sida kansarka ku dhaca sambabada iyo qanjirka soo saara shahwada ragga.
Sidoo kale fitamin A ayaa waxa uu sare u qaadaa aragtida oo uu caawiyo indhaha, haddii ay jirka qofka ku yaraadana waxaa hoos u dhici kara aragtida.
Maqaarka ayaa ka mid ah meelaha uu subaggu u fiican yahay maaddaama uu ku jiro dufan badan ku jirto jirkuna u baahan yahay.