Borama News Network

Xasan Sheekh oo booqday xerooyinka tababarka ciidanka Soomaalida ee Dalka Eritrea + SAWIRRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddadii uu ku guda jiray booqashadiisa dalka Eritrea, waxa uu kormeeray xerada ay ku tababaranayaan Ciidamada Cirka Soomaaliyeed, halkaasi oo uu warbixinno uga dhageystay Macallimiinta iyo Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada.


Madaxweynaha ayaa ciidamada ku boorriyay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda aqoon kororsiga ah, si ay door taariikhi ah uga qaataan difaaca, dib u xoreynta iyo sugidda amniga dalkooda hooyo, waxa uuna xusay muhiimadda ay Ciidamada u leeyihiin ilaalinta madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.


Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay dowladdu uga go’an tahay tayeynta iyo hormarinta ciidamada qalabka sida

 

Related posts

Daawo Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland Oo Si Adag Uga Falceliyay Qudbadii Madaxwayne Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Garaadka Guud SSC Garaad Jamaac Garaad Cali Ayaa Soo Dhaweyay Shirkii Jabuuti Kuna Baaqay Midnimo Somaliyeed

Abdiaziz Bnnstaff

Warbixin:- Erdogan Oo Dib Usoo Noolaynaya Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, Turkiga Ma Noqon Kara Awood Caalami Ah?

Abdiaziz Bnnstaff