Borama News Network

Xasan Sheekh oo magacabaay guddiga Qaran ee difaaca madaxbannanida & midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay guddiga Qaran ee difaaca madaxbannanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Magacaabistaan oo warbaahinta loo soo dusiyey ayaa waxaa ka soo muuqday liiska xubno xilal kale duwan ka soo qabtay Xukuumadihii ugu dambeeyey ee dalka, waxaana xusid mudan in tiradooda ay dhan tahay 10 xubnood, oo midi ay tahay Wasiirkii hore ee Musiibooyinka Qaranka Dr. Maryan Qaasim.
Guddiga ayaa waxaa iskuduwe ka ah Wasiirkii hore ee Qorsheynta Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Caynte, xubnaha kale ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Yuusuf Garaad Cumar.

Sidoo kale xubnaha kale ayaa kala ah; Dr. Maryan Qasim Axmed, Cabdirakiin Xasan Jamac, Cali Xaji Warsame oo mar soo noqday Wasiir ka tirsan Puntland, Ayub Ismaaciil Yusufu, Jamac Maxamed Askar, Ciid Maxamed Beddel iyo Feysal Cabdi Roble oo ah Khabiir Arimaha Geeska Afrika

Xubnahaan ayaa badankood waxa ay si adag ugu wada hadleen heshiiskii uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu la saxiixday Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Bixi Cabdi xorraantii sanadkaan, iyaga oo dowladda Itoobiya ku sifeeyeen in ay ku xadgudubtay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Pakistan Oo Iiraan Ku Eedaysay Weerar Carruur Ay Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Gobolka Baluchistan.

Abdiaziz Bnnstaff

Xamaas Iyo Fatax oo 18 sano kaddib ku heshiiyay in ay awooddooda mideeyaan

Abdiaziz Bnnstaff

James Swan oo loo magacaabay sii hayaha Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaalia & Xafiiska UNSOM

Abdiaziz Bnnstaff