Borama News Network

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tanaasushay in ay tartanto Kursi kamid ah Senate-ka Mareykanka

Xildhibaan Ilhan Omar ayaa si cad u sheegtay inaysan u tartami doonin kursiga Senate-ka ee Minnesota 2026, xilli laga filayay inay raadiso kursigaas, waxay ku dhawaaqday inay markale u tartamayso kursigeeda Golaha Wakiillada ee Mareykanka.

Ilhan oo la hadlaysay warbaahinta Minnesota Public Radio ayaa tiri: Xilligan xaasaasiga ah oo xuquuqdeenna la weerarayo, waxaa muhiim ah inaan iska difaacno fowdada iyo musuqmaasuqa maamulka Trump.”

Waxay sheegtay in ololaheeda uu xoogga saari doono abaabulka shacabka, isla markaana ay doonayaan inay keensadaan dad badan oo codkooda dhiibta si ay uga shaqeeyaan in xisbiga Dimuqraadiga uu mar kale helo aqlabiyadda Golaha.

Ilhan Omar oo horey ugu soo baxday doorashooyin adag ayaa hadalkan jeedisay kadib markii warar la isla dhexmarayay ay sheegayeen inay u tartami doonto Senate-ka.

Ilhan ayaa markii ugu horreysay la doortay sanadkii 2018, waxayna ka mid noqotay haweenkii Muslimiinta ahaa ee ugu horreeyay ee loo doorto Baarlamaanka Federaalka Mareykanka.

Related posts

Sacuudiga Oo Maalgalinaya Madaxweynaha Cusub Ee Maraykanka Si Uu U Imaado Dalka Sucuudiga.

Abdiaziz Bnnstaff

“Xasan Sheekh Iyo Ismaaciil Cumar Geelle Shaydaan Baa Ku Diray Somaliland” Siyaasi Jawaan Oo Arimo Xasaasiya Ka Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumada Somaliland Oo Dil Toogasho Ku Fulisag Labo Qof Oo Dilal Gaystay

Abdiaziz Bnnstaff