Borama News Network

Xildhibaanada Kenya Oo Qorsheynaya Gudbinta Mooshin Xilka Looga Qaadayo Madaxweyne Ku Xiigeenka Dalka

Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay gudbiyaan mooshin ku saabsan xil ka qaadis la doonayo in lagu sameeyo madaxweyne ku xiigeenka dalka, Rigathi Gachagua

Hogamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kikuyu, Kimani Ichung’wah, ayaa xaqiijiyay in moshinka ka dhanka ah Gachagua la hor geyn doono baarlamaanka xiliyada duhurada manta.

Si mooshinka u dhaqan galo, waxaa loo baahanyahay taageerada 233 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka, waxaana jira warar sheegaya in durbaba 302 xildhibaan ay saxiixeen.

Madaxweyne ku xiigeenka ayaa lagu eedeeyay inuu jabiyay qodobka 10-aad ee dastuurka dalka oo la sheegay inay horseedi karo kicin iyo nacayb bulsho.

Waxaa sidoo kale lagu eedeyay inuu jabiyay qoobada kala ah 147, 148, 174, 186 iyo 189 ee dastuurka oo ka hadlaya dhaqanka iyo mas’uuliyaddiisa ka madaxweyne ku xiigeen ahaan.

Waxaa uu sidoo kale iska difaaci doonaa eedeymo loo soo jeediyay oo la xirriira musuq maasuq iyo inuu si khaldan u adeegsaday lacagta canshuur bixiyeyaasha.

Related posts

15 Qof Ayaa Ku Dhintay Halka Dad Kalena Ku Dhaawacmeen Shil Tareen Oo Ka Dhacay Dalka Hindiya.

Abdiaziz Bnnstaff

Midawga Yurub Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Heshiiska Bada Ee Dhex Maray Somaliland Iyo Dowlada Itobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Dalka Dibadiisa Caafimaad Ugu Dirtay Dhaawacyadii Weerarkii Syl

Abdiaziz Bnnstaff