Borama News Network

Xildhibaannada Labada Aqal Oo Maanta Yeeshay Kulan Looga Hadlayey Dastuurka

Kulanka wada-jirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor-dhow ka furmay xarunta Villa Hargeysa, kaas oo maanta ah Dib-u-eegista marxaladda 3-aad ee Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga Dib u Eegista Dastuurka, Xuseen Iidow ayaa warbixin guud ka siisay wax ka bedelka iyo soo-jeedinta Mudanayaasha labada aqal ee lagu daray ayaa BJFS u Gudbiyay Nuqulka kama danbeysta ah ee soo jeedinta wax-kabedelka afarta Cutub ee ugu horeysa Dastuurka KMG ah.

Guddoomiyaha Guddiga Madax bannaan ee Dastuurka Abukaate Burhaan Aadan Cumar ayaa sidoo kale labada aqal u sharaxay sida ay u Kala Doorten aragtida ay ka dhiibteen Mudanayaasha BJFS muddadii u socday dooda xildhibaanada.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa soo xiray kulanka wada-jirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka isagoo u mahadceliyay guddiga iyo Aqoonyaanada ka soo shaqeyay iskuna soo dubariday Nuqulka kama danbeysta ah Dastuur,maadaama lagu gudda jiro bisha barkeysan ee Ramadaan,guddoomiyaha ayaa faray golah in nuqulka kama danbeysta ah ay soo akhriyaan si maalinta Sabtiga ah loo soo gabagabeeyo wax ka bedelka iyo dib u eegista Dastuurka.

Related posts

Maxay kawada hadlayaan Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Raysal Wasaaraha Norway Jonas Gahr Støre.

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaano Soo Jeediyay In Xilka Xayuubin Lagu Sameeyo Madaxwayne Muuse Biix Iyo Xildhibaano Kale Oo U Jawaabay

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Oo War Ka Soo Saaray Arimaha Doorashiiyinka Iyo Xaalada Guud Ee Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff