Borama News Network

Xisbiga Muxaafidka Ingiriiska oo la filayo inuu guuldarro culus kasoo hooyo doorashada baarlamaaniga

Saddex ra’yi ururin oo laga sameeyay Ingiriiska ayaa Arbacadi shalay muujiyay, in xisbiga talada haya ee Muxaafidka ee ra’iisul-wasaare Rishi Sunak, uu guuldarro ba’an kala kulmi doono doorashada guud ee 4-ta bisha July ka dhaceysa Britian.

Ra’yi ururintan saddexda ah oo si rasmi ah loo shaaciyay Arbacadi ayaa odoroseysa, in Xisbiga Mucaaridka ee Shaqaalaha uu si fudud ugu guuleysan doono doorashada, taas ka dhigi doonta in xisbiga Labour-ka uu talada Ingiriiska kusoo laaban doono 14 sano kaddib.

Ra’yi ururinta xarunta YouGov ayaa muujisay in xisbiga Labour-ka uu kuraasta baarlamaanka Britain ee ka kooban 650-ka uu kaga guuleysan doono 425 kursi, taasi ayaa noqon doonta tiradi ugu badneyd ee ay helaan taariikhda waa haddii ay dhacdo.

Qiimeynta Savanta ay sameysay ayaa iyaduna qiyaastay in Xisbiga Shaqaalaha ay baarlamaanka ka heli doonaan 516 kursi, halka ra’yi ururinta More ay muujisay in mucaaradka ku guuleysa doonaan 406 kurisi.

Related posts

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Oo Mishaarkoodii La Dhimay Iyo Sababta Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff

AHUN Maydka Marxuum Madaxweyne Siilaanyo oo hadda lagu tukaday.

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo Qudbad Sanadeedka Madaxwayne Muuse Biixi Uu Ka Jeediyay Baarlamaanka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff