Xisbiga ugu weyn mucaaradka Itoobiya ayaa ugu baaqay Midowga Afrika inay soo farageliyaan dadaallada lagu dhex dhexaadinayo iyaga iyo dowladda kadib markii guddiga doorashada ay kala noqdeen warqadda aqonsiga sharciga xisbi ahaan.
Xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa sheegay in tallaabada looga mamnuucay dhaqdhaqaaq kasta oo siyaasadeed ay tahay mid “khatar weyn” ku ah heshiiskii 2022kii- lagu soo afjaray colaad laba sano ka socotay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.
Xisbiga Tigreega oo xukumaya dalka Itoobiya sanado badan ayaa la mamnuucay Arbacadii kadib markii uu ku guuldareystay inuu qabto shirka guud ee xisbiga.
Go’aankan ayaa daba socda xiisad siyaasadeed oo bilihii lasoo dhaafay ka taagneyd gobolka Tigray, wuxuuna kusoo beegmayaa xilli ay dalka oo dhan ka dhici doonto doorashada la filayo in la qabto bisha June ee sanadka soo socda.
Xisbigan ayaa hogaaminayay isbahaysigii afgambiga sameeyay sanadkii 1991-kii, waxaana uu xukumayay dalka Itoobiya ilaa 2018-kii markaasoo uu xukunka la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Waxa ay dagaal sokeeye oo laba sano ah la galeen dawladda kaas oo ku dhammaaday heshiis la saxeexay November 2022 ka dib kumannaan qof lagu dilay, malaayiin kalena lagu barakiciyay waqooyiga Itoobiya.