Borama News Network

Xisbullah Ayaa Weerartay Israel Weerarkaasi Oo Jawaab u Aheyd Dilka Afar Xubnood Oo Hoggaamiye Ku Jiro

Militeriga Israel ayaa sheegay in madaafiic gaareysa 90 oo laga soo tuuray Lubnaan ay ku soo dhaceen waqooyiga Israel shalay kaddib markii duqeyn lagu dilay hoggaamiye ka tirsan Xisbullah koonfurta Lubnaan maalin ka hor.

Qoraal ka soo baxay ciidamada wax yar ka hor ayaa lagu sheegay “90 madfac oo laga soo tuuray dhinaca Lubnaan ayaa badidooda laga hortagay” inkastoo qaarkood ay ku dhaceen waqooyiga Israel. Qaar ku soo dhacay dhulka waxay sababeen in ay dab ka kicyaan halkaas.

Wararka waxay sheegayaan in Xusbullah ay ay hal mar ku soo tuurtay 200 oo gantaal waqooyiga Israel iyagoo bartilmaameed ka dhigtay gobolka Tiberias markii ugu horeysayilaa dagaalkii Xibsullah iyo Israel ee 2006-dii.

Habeenkii talaadada ayey ciidamada Israel weerareen guri ku yaal Joya iyagoo halkaas ku dilay hoggaamiye iyo saddex dagaalyahan.

Xisbullah waxay sheegeen in uu ahaa hoggaamiyaha lagu dilay duqeynta cirka Israel Talib Sami Abdullah oo 54 jir ahaa loona yaqaanay Abu Talib.

Related posts

Diblamaasi Muddo 40 Sano Ah Basaasayay Dowlada Maraykanka Oo Lagu Xukumay Xabsi 15 Sano

Abdiaziz Bnnstaff

Wixii Berbera Ka Dhacay Waxay Ahaayeen Sharci Daro ” Gudigii Baadhitaanka Ee Xidhiidhka Gubada Cagta Oo War Culus Soo Saaray

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Zelensky oo Ukraine u dalbay hababka Difaaca Hawada.

Abdiaziz Bnnstaff