Borama News Network

Xogagga mucaaradka Suuriya oo u ruqaansanaya magaalada Xama ee bartamaha Suuriya

Kooxda la socota arrimaha xuquuqul insaanka ee dalka Suuriya ayaa sheegtay, in kooxda Hayat Tahrir al-Sham iyo kooxaha xulafada la ah ay hadda “ku sugan yihiin albaabka” magaalada Xama ee bartamaha dalka Suuriya, halka milatarigana ay xaqiijiyeen in ay ciidamo u direen halkaas.

Kooxda xuquuqda aadanaha ayaa Talaadadii sheegtay, in “ciidanka la dagaallamaya xoogaggan” ay hadda ku sugan yihiin afaafka hore ee magaalada Xama, halkaas oo ay ka dhaceen barakac ballaaran oo ka dhashay dagaallada sii baahaya ee ka socda agagaarka magaalada, iyagoo xusay inay sababeen gantaallo ay soo tureen kooxda Hay’at Taxriir al-Sham iyo kooxaha xulafada la ah.

Dhanka kale, wakaaladda wararka Suuriya ee SANA oo soo xiganaysa ilo milateri ayaa sheegtay, in “ciidamo badan oo milatari ah ay gaareen magaalada Xama.

Talaadadii shalay ahayd, xoogagga mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen gacan ku heynta ilaa 14 tuulo iyo magaalooyin cusub, ka dib markii ay sii ballaariyeen howlgallada ka dhanka ah ciidanka Suuriya ee aagagga magaalada Xama ee bartamaha Suuriya.

Related posts

Cirro Waa Aayad Qosol Badan Waa Xadiis, Nin Kiniisada Iyo Masaajidku Wey…..”Xildhibaan Walhad

Abdiaziz Bnnstaff

Koox Daacad U Ah Madaxwaynihii Hore Ee Suuriya Bishaar Al Asad Oo Dad Ku Laayay Gudaha Suuriya

Abdiaziz Bnnstaff

“Waxaan Halkan Digniin Ugu Diyaraay Kama Danbaysa Booyadaha..” Badhasaab Ku Xigeenka Maroodi-jeex

Abdiaziz Bnnstaff