Borama News Network

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Maraykanka oo booqday halkii lagu halaagay reer Thamuud

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken ayaa ka dhoofay magaalada Abu Dhabi isagoo ku sii jeeda magaalada Al-Culaa ee dalka Sacuudiga, halkaasoo uu dhawaan kula kulmi doono Maxamed Bin Salmaan.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa Al-Culaa ka dhigtay hoygiisa xilliga Guga. Toddobaadkii hore, wuxuu martigeliyay kulamo xiriir ah oo uu la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Kongareeska Mareykanka, oo ay ku jiraan Guddoomiyaha Guddiga Sirdoonka ee Senate-ka Mark Warner, Dimuqraadiga Virginia, iyo Senator Lindsey Graham oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee South Carolina.

Al-Culaa waa magaalo lagu qiyaaso in ay jirtay lix qarni ka hore dhalashadii nabi Ciise oo ku taal agagaarka dhul-beereed, kaas oo joogsi u ahaa dariiq ganacsi ee xawaashyada iyo xariirta. Sida magaalada Boqortooyadii Nabatean ee sida fiican loo yaqaan ee Petra oo hadda Urdun ah, waxaa ku yaal farshaxanno lagu dhigay dhagaxyo aad u adag iyo qabuuro waxayna ku jirtaa goobaha Dhaxalka Adduunka ee hay’adda UNESCO.

Doorashada goobta booqashooyinka Blinken iyo saraakiisha kale ee Maraykanku maahan wax iska dhacay.

Iyadoo magaaladu ay mar ahayd mid ka mamnuuc ah Muslimiinta sababtoo ah waxaa loo arkayay inuu nacladay Nebi Muxamed (NNKH), Amiir Maxamed wuxuu Al-Culaa ka dhigay goob faneed iyo dalxiis, tan oo qayb muhiim ah ka ah oo ka mid ah qorshihiisa “Hadafka 2030” ee uu ku casriyeynayo boqortooyada Carabta iyada oo laga hirgalinayo xafladaha iyo huteelada reer galbeedka iyo meelaha soo jiidashada.

Related posts

Booliska Soomaliya Oo Soo Bad Baadiyay Cunug Yar oo Lix Saac Sabab Yaableh Loogu Haystay Guri Ku Yaala Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Qoor Qoor Oo Magacaabay Wasiiro Cusub

Abdiaziz Bnnstaff

Shirkada Apple Oo La Kulantay Hoos U Dhicii Ugu Waynaa Iyo Waxyaabaha Ku Keenay Hoos U Dhacaasi

Abdiaziz Bnnstaff