Borama News Network

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken Oo Wada Dadaalo Xabad Joojineed Oo Ka Dhaqan Gala Qaza

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Isniintii sheegay, in Ra’iulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu aqbalay hindisaha xabbad-joojinta Gaza ee uu soo jeediyay Mareykanka, isla markaana ku boorriyay Xamaas in ay aqbasho heshiiskan.

Blinken oo wariyaasha la hadlay kaddib maalin uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sare ee Isra’il oo uu ku jiro ra’isulwasaare Netanyahu, ayuu diblamaasigan sare ee Mareykanka sheegay, in in riixidda heshiiskan ay tahay tii ugu wanaagsaneyd isla markaana ay dhici karto in ay noqoto fursaddi ugu danbeysay.

Blinken oo saxafiyiinta kula hadlay Tel Aviv ayaa tilmaamay in Xamas laga doonayo aqbalaadda heshiiska, kaddib marki ay aqbashay Isra’il. Wuxuu kaloo sheegay in iyada oo la kaashanayo dhex-dhexaadiyaasha ka kala socda Mareykanka, Qatar iyo Masar, ay dhinacyada colaaddu ka dhaxeyso ay dhameystiran ballan-qaadyada heshiiska.

In kasta oo uu Maraykanka rajo ka muujiyay, xafiiska Netanyahuna uu ku tilmaamay kulanka mid wanaagsanaa, haddana Israa’iil iyo Xamaas labaduba waxay muujiyeen in heshiis kasta uu noqon doono mid adag.

Wadahadallada oo muddo bila ah marna soconayay marna la hakinayay, ayaa u muuqdo in ay dhinacyadu ay ku taagan yihiin mawaaqiftoodi hore. Isra’il ayaa sheegtay in dagaalka Gaza uu ku dhammaan karo burburinta Xamaas, halka Xamaas ay sheegtay inay aqbali doonto oo keliya xabbad joojin joogto ah oo aan ku meel gaadh ahayn.

Waxyaabaha kale ee la isku qilaafsan yahay ayaa waxaa ka mid ah sii joogitaanka ciidamada Israa’iil ee gudaha Qaza, gaar ahaan xuduudka Masar, dhaqdhaqaaqa xorta ah ee Falastiiniyiinta ee gudaha dhulkaas, iyo aqoonsiga iyo tirada maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay Isra’il rabto in ay weydaarsato sii deynta dadka ay xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta ku hayaan Gaza.

Related posts

Madaxwaynayaasha Maamulada Galmudug Iyo Koonfur Galbeed Oo Sheegay In Deni Uu U Furay Dariiq Ay Madaxtinimada Ugu Soo Laabtaan

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynihii Hore Ee Maraykanka Donald Trump Oo Guulo Ka Gaadhay In Uu Mar Kale U Tartamo Madaxtinimada Maraykanka

Abdiaziz Bnnstaff

Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Xukun Ku Riday Dirawalkii Muuqaalka Iska Soo Duubay Isaga Oo Gaadhi Booyad Ah Laguha Kawada

Abdiaziz Bnnstaff