Borama News Network

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin oo la dhigay qaybta Xaalad naf ku dhowrka ICU

Lloyd Austin oo ah Xoghayaha Difaaca Maraykanka oo la xannuunsanaya cudurka Kansarka oo dhowaan la shaaciyay in laga helay ayaa la dhigay isbitaal gaar ahaan qaybta xaaladda naf ku dhowrka ah ee loosoo gaabiyo ICU.

Austin ayaa xaaladdiisa sii darsatay saacadihii u dambeeyay waxaana ugu dambayn la geeyay mid kamid ah goobaha caafimaadka ee sida gaarka ah loogu dawaynayay muddooyinkii u dambeeyay sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Wakaaladda Wararka u faafisa Faransiiska oo soo xiganaysa ilo ay qarisay balse ay ku kalsoon tahay ayaa daabacday xogtaan muujinaysa in isbitaal la dhigay Xoghayaha Arrimaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin oo ah 70 jir.

Maraykanka ayaa qariyay xogta xaaladda caafimaad ee Xoghayaha Difaaca Dalkaas Lloyd Austin, dhowaan Madaxweyne Joe Biden ayaa qudhiisa Warbaahinta u sheegay in muddo kaddib uu ogaaday in ninkaan laga helay xannuunka Kansarka.

La soco wixii kasoo kordha

Related posts

Siyaasiyiinta Mucaaradka ah oo soo dhaweeyay gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxda urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS oo maanta kulmaya iyo waxyaabaha lagaga hadlayo kulankaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Sargaal Ka Tirsanaan Jiray Ciidanka Gaarka Ah Ee Liyuu Booliska Dowlada Degaanka Somalida Oo La Gawracay

Abdiaziz Bnnstaff