Borama News Network

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo 3 bil hakisay bixinta Baasaboorka Shaqada & Shaqaalaha Dowladda

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo 3 bil ah waxa ay hakisay bixinta Baasaboorka Shaqada & Shaqaalaha Dowladda kaddib markii kulan gaar ah ay ka yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi & Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Axmed Siciid Maxamed.

Codsi la xiriira arrintaan ayaa loo gudbiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre markii uu ku qancay kaddib wuu saxiixay inkasta oo aanay weli lagu soosaarin faafinta rasmiga ah sida Mustaqbal ay u sheegeen ilo ku dhow xafiiska Wasiirka 1aad XFS.

Xamsa ayaa aqbalay in muddo 3 bil ah la hakiyo bixinta ama qaadashada Baasaboorka Shaqada & Shaqaalaha Dowladda Federaalka, muddadaas waxaa lagu diyaarinayaa qorshe ka duwan kan haatan lagu bixiyo sida aan kasoo xiganay ilo kala duwan.

Dhowr arrin oo tallaabadaan soo dadejisay ayaa la hadal hayaa waxaana kamid ah in ay kordheen safarrada dibadda ee shaqaalaha Dowladda, in la xakameeyo daabacadda badan ee baasaboorkaan iyo kuwo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Axmed Macallin Fiqi & Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa dhinaca kale isla gartay in hab dhijitaal ah oo wadajir ah isaga kaashadaan baasabarrada kahor inta aan la daabicin.

Related posts

Bariga Dhexe Oo Qarka u Saaran Dagaal Iyo Ciidamada Isbahaysiga Oo Weeraray Dalalka Yemen Suriya Iyo Ciraaq

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Iran Oo War Cusub Ka Soo Saartay Weerarki Ay Xalay Ku Qaaday Israel

Abdiaziz Bnnstaff

Puntland Oo Go’aan Culus la wadaagtay Qaramada Midoobay Iyo Macaamil Cusub oo bilaabmaya

Abdiaziz Bnnstaff