Borama News Network

Xulufadooda Carabta Iyo Ciidamada RSF Ee Dalka Sudan Oo Lagu Eedeynayo Xasuuqa Beel Gaar Ah

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa sheegtay in ciidamada RSF, ee dalka Suddaan laga yaabo in ay xasuuq ka geysteen caasimadda galbeedka Darfur ee El Geneina.

Kooxda xuquuqul insaanka ayaa tilmaantay in RSF iyo xulafadooda Carabta ay geysteen dembiyo ka dhan ah bini’aadminimada iyo dembiyo dagaal iyagoo si bareer ah oo laga shaqeeyay u beegsanaya bulshooyinka Massalit ee aan Carabta ahayn.

Waxa ay sheegtay hay’addo in laga yaabo in kooxaha xagjirka ah ay damacsanaayeen in ay meesha ka saaraan bulshada Massalit ee galbeedka Darfur, taas oo muujinaysa xasuuq.Hogaamiyaha RSF General Maxamed Hamdan Dagalo ayaa beeniyay in si ula kac ah loo beegsaday dad rayid ah.

Dagaalka sokeeye ee u dhexeeya RSF iyo ciidanka ayaa abuuray masiibo bini’aadantinimo oo baaxad leh, ugu yaraan saddex iyo toban kun oo qof ayaa la dilay, sagaal milyanna waa ay barakaceen.

Related posts

Madaxwayne Ciro Oo Xil U Magacaabay Ismaaciil Yare Oo Ka Mid Ahaa Siyaasiyiintii Sida Wayn Ula Soo Dhaqeeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaare Cusub Oo Loo Doortay Dalka Pakistan Iyo Xogo Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Doorashadaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Benzema oo dacwad ka gudbiyay wasiir sheegay inuu xirriir la leeyahay urur laga mamnuucay dalal dhowr ah

Abdiaziz Bnnstaff