Borama News Network

Xuuthiyiinta oo weerar ku qaaday markabka shidaalka qaada oo lala xiriiriyay Britain

Markab nooca Xamuulka qaada ah oo lagu magacaabo Marlin Luanda oo lala xiriiriyay UK ayaa lagu dhuftay Gantaal ay Kooxda Xuutiyiinta taageerto ee Iran ay ku garaacday Gacanka Cadmeed.

Weerarka ayaa lagu soo waramayaa inuu jawaab u ahaa “gardarrada Mareykanka iyo Ingiriiska.” Mareykanka iyo UK ayaa horey duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday bartilmaameedyada Xuutiyiinta kadib weeraro lagu qaaday maraakiib marayay gobolka Badda Cas.

Maraakiibta Faransiiska, Hindiya iyo Mareykanka ayaa gargaar u fidiyay markabka gubanaya. Marlin Luanda waxay ka diiwaan gashan tahay Oceonix Services Ltd, shirkad UK laga leeyahay, waxayna ku shaqeysaa magaca Trafigura, shirkad ganacsi oo caalami ah.

Trafigura ayaa xaqiijisay in dhamaan shaqaalihii saarnaa ay bad qabaan,islamarkaana la damiyay dabkii ka kacay markabka.

Related posts

Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele Oo Ficil Kaga Jawaabay Hanjabaadii Madaxwayne Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Lixdaa Bilood Waxii Na Gaadhay Hana Gaadhaane Meesha Iskaga Teg” Xildhibaan Guruuje

Abdiaziz Bnnstaff

Wiil Askari ah oo Aabihii uga Tanaasulay Xukunka Dalkiisa oo uu 38 Sanno hayay.

Abdiaziz Bnnstaff