Borama News Network

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Weerarray Markab Xamuul Oo Mareykanku Leeyahay

Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iiraan ayaa xaqiijiyay inay gantaal nooca baalistiga ah ku weerarreen markab xamuul oo laga leeyahay waddanka Mareykanka.

Markabkaas oo la yiraahdo Gibraltar Eagle, ayaa la weerarray xili uu marayay gacanka Cadmeed. Taliska milatariga Mareykanka ayaa sheegay, inaysan jirin waxyeello soo gaartay markabkaasi la weerarray.

Shirkadda maraakiibta ee Eagle Bulk Shipping, ayaa sheegtay in markabka uu siday badeecooyin bir ah, wuxuuna ku dhowaad 160 kilo mitir ka baxsanaa xeebaha gacanka cadmeed markii la duqeynayay.

Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto, ayaa tan iyo bishii November weerrar ku qaadayay marakiibta mara badda cas, iyagoo taageero ugu muujinaya dadka reer Falastiin iyo ururka Xamaas ee Qasa.

Related posts

“Togdheer Iyo Awdal Waa Isku Duruuf Isbedelkana Iyagaa Keenaya” Afhayeenka Xisbiga Waddani.

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga kulmiye Oo Shaaciyay In Ay Joojiyeen Isku Soobaxyadii Olaha Ee Gobolada Bariga Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Gaadhay Magaalada Oodwayne Iyo Qaabka Loo Soo Dhaweeyay

Abdiaziz Bnnstaff