Borama News Network

Zambia: ku dhowaad 700 oo ruux oo u geeriyootay Cudurka Daacuunka

Dalka Zambia ee dhaca Dhinaca Koofureed ee Qaaradda Afrika waxaa fara kulul ku haya Cudurka Daacuunka oo Dalkaas ka dilaacay kaas oo galaaftay Nolosha ku dhowaad 700 oo ruux oo uu cudurku asiibay sida ay sheegeen bahda Caafimaadka.

Dowladda Zambia ayaa dalbatay in laga gacansiiyo sidii loosoo afjari lahaa cudurkaan aafada ku noqdaan dalkeeda waxaana ay karaankiil gelisay Dad badan oo qaarkood xannuunka laga helay halka qaar kale looga shakiyay cudurka Daacuunka.

Dhaqaatiirta aan Xuduudda lahayn ayaa warbixin ay soosaareen waxa ay ku sheegeen aafadaan ay noqonayso tii abid ugu darnayd ee cudurka Daacuunka uu dhibaato intaas la eg ku gaarsiiyo Dalka Zambia loona baahan yahay in si wadajir ah looga hortago.

Cudurkaan ayaa billowgiisii lagu arkay Magaalada Lusaka Bishii Oktoobar sanadkii tagay 2023 tan iyo xiligaas waxa uu si tartiib ah ugu sii faafayay gobollada kulaalaya Caasimadda oo waxaa loo badinaya in Dadku isu gudbiyeen maadaama la dhayalsaday kahortagga faafitaankiisa.

Related posts

Madaxwaynaha Taiwan Oo Sheegay In Shacabkisu Waligood Aanay Kamid Noqon Doonin Jamhuuriyada Shiinaha

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo 7 Qodob Oo Madaxwayne Xasan Sheekh Qabyeeyay Khatar Wayna Ku Noqonaya Somaliya Iyo Sababta

Abdiaziz Bnnstaff

Hadii adigu aad dadkaagii ka hadhay anigu dadkaygii ayaan la joogaa,sharci darana ina Abiib lagu qaadi mayo”Gudoomiye Cali Xaamud Jibriil

Abdiaziz Bnnstaff