Borama News Network

Dawladda Turkiga Oo diyaarisay Maraakiibta Dagaalka Oo Loo Soo Dirayo Xeebaha Soomaaliya,

Dowladda Turkiga ayaa diyaarisay markab weyn oo nuuca dagaalka ah oo loo dirayo xeebaha Soomaaliya, waxaana markabkan la socda askar badan, sidoo kale waxaa saaran diyaarado kala duwan oo adeegsanayaan ciidamada .

,Warbaahinta dalka Turkiga ayaana baahiyay in markabkan dagaal ee loo dirayo xeebaha dalka Soomaaliya loogu tala galay in uu ilaaliyo markab ka shaqeeya howlaha sahanka iyo cilmi-baarista tamarta, kaa oo baaritaanno shidaal ka bilaabaya biyaha Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar, ayaa todobaadkii hore u sheegay warbaahinta Turkiga, in Turkiga uu ruqsad u heysto in uu shidaal ka soo saaro saddex goobood oo ku yaalla badda Soomaaliya, mid kastana ay tahay 5,000 oo KM oo isku wareeg ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey heshiis dhinca baarista shidaalka iyo tamarta ula gashay dowladda Turkiga, waxaana markabkan Turkiga soo dirayo ee bilaabaya baarista shidaalka la filayaa in xeebaha Soomaaliya soo gaaro bisha soo socota.

Related posts

Madaxwayne Hore Farmaajo Oo Ka Warbixiyay Sabta Uu Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo Si Adag Ugu Jawaabtay War Murtiyeed Ka Soo Baxay Dalalka G7 Iyo Waxa Uu Ka Saabsanaa Bayaankaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Trump oo durbaba u hanjabay wadammo waaweyn oo BRICS ka tirsan

Abdiaziz Bnnstaff