Borama News Network

Somaliland Oo Si Adag Ugu Jawaabtay War Murtiyeed Ka Soo Baxay Dalalka G7 Iyo Waxa Uu Ka Saabsanaa Bayaankaasi

Warsaxaafadeed kasoo baxay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ka xumaatay “luqadda loo adeegsaday warmurtiyeedkii kasoo baxay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7”.

Warkan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in dalalka G7 ay “Somaliland ku tilmaameen gobol ka mid ah Soomaaliya.”

“Waa dacaadnimo darro iyo wax aan laga aqbali karin in dawladaha G7 oo si wanaagsan uga warqaba taariikhda midowgii Somaliland iyo Soomaaliya inuu ahaa mid aan sharciyad ku salaysnayn oo uu meesha ka baxay markii ay burburtay dawladdii Soomaaliya, in lagu tilmaamo “Somaliland gobol ka mid ah Soomaaliya”. In la isku dayo in la tirtiro taariikhdda ma beddeli karto xaqiiqda dhabta ah.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhanka kale, war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay soo dhaweyneyso warmurtiyeedkii kasoo baxay dalalka G7.

War-saxaafdeedka ayaa lagu sheegay “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April.

Hasa yeeshee Soomaaliya waxa ay tiri: “Si kastaba ha ahaatee, wadahadal lala furo Itoobiya ayaa ku qabsoomi kara oo qura iyadoo gebi’ahaan laasha is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland)” ayna muujiso in ay si buuxda u xurmaynayso midnimada iyo qarannimada Soomaaliya iyo mabda’a aan oggolaanayn in dal uu farageliyo arrimaha gudaha dal kale ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Warmurtiyeedka dalalka G7 ayaa waxa ka mid ahaa qoddob ka hadlaya walaaca ay ka muujiyeey heshiiskii isfagarad ee Itoobiya iyo Somaliland, waxayna sidoo kale sheegeen inay ku dhiirigelinayaan Itoobiya iyo Soomaaliya “in ay furnaadaan dhammaan waddooyinka wada-hadallada si looga hortago in ay ay xaaladdu sii xumaato.”

Related posts

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Magacaabis Iyo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Xubno Ka Tirsan Xukuumadiisa

Abdiaziz Bnnstaff

Urur Siyaasadeedka Horseed Ayaa Soo Dhaweeyay Xeerkii Isi Saarka Doorashooyinka Ee Golaha Guurtidu Ansixiyeen

Abdiaziz Bnnstaff

“Qolada Kulmiye Markay Meesha Ma Maqnayd Waa Kuwii Nala Ooyi Jiray…” Abwaan Weedhsame.

Abdiaziz Bnnstaff