Borama News Network

Maxay tahay fariinta Qarsoon ee Maraykanku u diray Iran ka dib weerarkii saldhigyada Xuutiyiinta?

Madaxweyne Biden waxa uu sheegay in Maraykanku uu Iran u gudbiyay fariin gaar ah oo ku saabsan Xuutiyiinta Yemen ka dib markii Maraykanku uu duqayn labaad ku qaaday kooxda.

“Waxaan u gaarsiinay si gaar ah, waxaana ku kalsoonnahay inaan si wanaagsan u diyaarsannay,” ayuu yiri isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Maraykanku waxa uu sheegay in weerarkii ugu dambeeyay uu ahaa tallaabo dabagal ah oo lagu bartilmaameedsaday raadaarka.

Iran ayaa beenisay inay ku lug leedahay weerarada Xuutiyiinta ee ka socda Badda Cas.
Tehran ayaa looga shakisan yahay in ay hub siiso Xuutiyiinta, wuxuuna Maraykanku sheegay in sirdoonka Iran uu muhiim u yahay in ay bartilmaameedsadaan maraakiibta.

Duqeymaha cirka ah ee ay si wadajir ah u fuliyeen UK iyo Mareykanka ayaa lagu beegsaday ku dhawaad 30 goobood oo Xuutiyiinta ay ku sugnaayeen saacadihii hore ee Jimcihii iyaga oo taageero ka helaya xulafada reer galbeedka oo ay ku jiraan Australia iyo Canada.

Maalin ka dib, taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in uu fuliyay weerarkii ugu dambeeyay ee goob raadaarka Xuutiyiinta xarun u ahayd ah gudaha Yemen kaas oo loo adeegsaday gantaalada dhulka ee Tomahawk.
Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in duqeymahaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan awoodda kooxda ee ah in ay weeraraan maraakiibta.

Xuutiyiintu waa koox hubaysan oo ka tirsan koox-hoosaad ka tirsan Shiicada Yemen ee laga tirada badan yahay ee Muslimiinta ah, Zaidiyada.

Inta badan Yemeniyiinta ayaa ku nool meelaha ay Xuutiyiinta maamulaan. Sidoo kale Sanca iyo waqooyiga Yemen, Xuuthiyiinta ayaa maamula xeebta Badda Cas.

Hadalka rasmiga ah ee dawladaha reer galbeedka ayaa ah in duqeymaha cirka ee socda ee bartilmaameedyada Xuutiyiinta ay aad uga duwan yihiin dagaalka Gaza.

Waxay yihiin “jawaab lagama maarmaan ah oo laga siman yahay” oo ku wajahan weerarrada aan la aqbali karin ee Xuutiyiinta ee maraakiibta ganacsiga ee badda cas, ayay yiraahdeen.
Yemen iyo guud ahaan Carabtaba si kale ayaa looga arkaa.
Waxaa loo arkaa inay Mareykanka iyo Ingiriiksa ku biirayaan dagaalka Qasa ee dhinaca Israel, tan iyo markii Xuutiyiinta ay ku dhawaaqeen ficiladooda inay garab taagan yihiin Xamaas iyo shacabka Qasa, balse aragtiyo ayaa leh reer galbeedku waxay sameynayaan dalabka Netanyahu.

Waxaa weli suurtagal ah in duqeymahan cirka ah ay saameyn qabow ku yeeshaan Xuutiyiinta. Waxaa hubaal ah inay hoos u dhigi doonaan awooddooda ay ku weerari karaan maraakiibta muddada gaaban.

Laakiin inta ay sii dheeraadaan duqeymahan cirka ah, waxaa sii badanaya khatarta ah in Mareykanka iyo Ingiriiska ay galaan colaad kale oo Yemen ah.

In ka badan 8 sano ayay ku qaadatay Sucuudiga in ay isaga soo baxaan halkaas ka dib markii ay soo farageliyeen dagaalka sokeeye ee dalkaas Xuuthiyiinta ayaana hadda sii xoogaysanaya sidii hore.

Qiyaastii 15% ganacsiga caalamiga ah ee badaha ayaa mara badda cas, ayuu yidhi Maraykanku. Tan waxaa ku jira 8% badarka caalamiga ah, 12% saliidda badda iyo 8% gaaska dabiiciga ah ee dareere ah ee aduunka.

Maraykanka ayaa sheegay in kooxdu ay ilaa hadda isku dayeen in ay weerar ku qaadaan oo ay dhibaateeyaan maraakiibta ku sugan badda cas iyo Gacanka Cadan 28 jeer.

Qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn ee maraakiibta ayaa tan iyo markii ay shaqada ka joojiyeen gobolka, halka kharashka caymiska uu kor u kacay 10 jeer tan iyo horraantii Disembar.

London iyo Washington ayaa taageeray Israa’iil ka dib weerarradii 7-dii Oktoobar ee Xamaas oo ay ku dhinteen ilaa 1,300 oo qof, ilaa 240 kalena lagu qafaashay.

Related posts

Joe Biden Oo Ku Guulaystay Magacaabista Musharraxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Dimuqraadiga

Abdiaziz Bnnstaff

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Dagaalka Gaza

mustafeamiin

Maraakiibtii Ka Leexday Bada Cas Oo Ay Shidaal La’aani Ku Dhacday

Abdiaziz Bnnstaff