Borama News Network

Xamaas Oo Israaiil Ka Diiday In Loo Gacan-Geliyo Dawooyin Ay u Baahan Yihiin Maxaabiista Yuhuudda Ah Ee Gacantooda Ku Jira.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in dalab cusub oo dhinaca Israaiil ka yimid kana dhashay cadaadiska & culayska xooggan ay saarayaan Ehelka Maxaabiista Yuhuudda ah ee Gacanta Xamaas ku maqan in Xukuumadda Tel Aviv ay dalbatay in dawooyinka ay u baahan yihiin lahaystayaashaas loo dhiibo dhaqdhaqaaqa Xamaas.

Arrintaan ayaa la sheegay in ay diiday Xamaas maadaama wax weliba oo ka imaanaya dhinaca Yuhuudda ay ku tuhmayaan in basaasnimo lagu soo dhex qarin karo waxaana ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan dhaqdhaqaaqaas in aanay u cuntamin go’aankaan oo meel adag ay ka istaagiin sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Sheekadaan waxaa bannaanka soo dhigay qaar kamid ah Warbaahinta ka howlgasha deegaannada ay xoogga ku haysato Israaiil oo qudhooda xogtaan kasoo helay qaar kamid ah Dadka ehelkooda la haysto una sheegay xogihii ugu dambeeyay ee dedaallada dawooyinka loogu wareejinayo Xamaas si ay u siiso Maxaabiista u xiran.

Waxaa sii xooggaystay kacdoonka ka dhanka ah Xukuumadda Netanyahu kaddib markii la dhaafay waqtii ay ku sheegtay in ay si awood ah kusoo furanayso Maxaabiista ay horay uga qafaalatay Xarakada Xamaas oo shuruudihii la hordhigay Tel Aviv ay ka meer-meertay sabab la xiriirta in ay isku muujisay in awood ay kusoo furan karto.

Dhinaca kale dadka Yuhuudda ah ee dibadbaxyada wada ayaa sheegay in boqol maalmood kaddib in aanay jirin qof Israaiili ah oo ay soo furteen ciidamada badan ee adeegsanaya agabkoodii ugu casrisanaa oo ugu qiimaha badnaa, iskaba daayeen in ay Maxaabiis soo furtaan waxaa kusii kordhay dhiig-baxa ku socda.

Related posts

Madaxda aan diyaaradaha ka dagin ee Afrika iyo lacagaha ku baxa safaradooda

Abdiaziz Bnnstaff

“Midnimada dalku waxay ku jirtaa doorashooyinka oo la qabto”Guddoomiye Maxamuud Xaashi

Abdiaziz Bnnstaff

Midowga Yurub Oo Israa’iil Ku Eedeeyey In Ay Reer Qasa Gaajo u Dileyso

Abdiaziz Bnnstaff