Borama News Network

Midowga Yurub Oo Israa’iil Ku Eedeeyey In Ay Reer Qasa Gaajo u Dileyso

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa ku eedeeyey Israa’iil in ay gaajo u dileyso dadka reer Qasa ee xabadda ka bedbaaday, isagoo cunaqabateynta lagu hayo maalaayiinta qof ee Qasa ku tabaaleysan ku tilmamay gaajo hubeysan.

Mr. Borrell ayaa tillaabada la isku hortaagey in gargaar bini’aadamnimo la gaarsiiyo dadka macluulaya ee reer Qaza ku tilmaamay masiibo “dad- ay gacantooda ku sameeyeen”.

Hadalka diblomaasiga ugu sarreeya Yurub ayaa ku soo beegmaya xilli Banjamin Netanyahu uu weli u middiyo lisanayo weerar uu ku qaado deegaanka Rafax oo ah mid ka mid ah meeelaha faro-kutiriska ah ee aysn ciidanka Israa’iil weli raafka marin.

Dhinaca kale markab laga leeyahay Spain oo sida cunto gargaar oo aad looga baahan yahay Marinka Qasa ayaa ka soo shiraacday Qubrus, isagoo ku sii jeeda Qasa, lamase oga in uu gaari doono yoolkiisa.

Related posts

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo War Ka Soo Saartay Weerarkii Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

“Nabadda Muqdisho Ayey Ciidankaygu u Dhimanayaan, May Ahayn In Muran La Geliyo Hishiiska Badda…” Raysal Wasaare Abiy Ahmed

Abdiaziz Bnnstaff

Uganda Oo Iska Fogeysay Codeyntii Carrada Dhalisay Ee Garsoore Sebutinde Ee Maxkamad ICJ

Abdiaziz Bnnstaff