Borama News Network

Uganda Oo Iska Fogeysay Codeyntii Carrada Dhalisay Ee Garsoore Sebutinde Ee Maxkamad ICJ

Haweeney u dhalatay dalka Uganda oo garsoore ka ah maxkamada Adduunka ICJ ayaa go’aan ay qaadatay dhalisay hadal heyn badan iyo carro, kaddib markii ay u hiilisay maamulka arxanka-daran ee Israa’iil.

Julia Sebutinde iyo Garsoore kale oo kasoo jeeda Israa’iil ayaa noqday labada garsoore kaliya ee kahor yimid dacwadii ay gudbisay dowladda Koonfur Afrika, iyo sidoo kale ammarada maxkamadda hor dhigtay maamulka Israa’iil.

Haweeneydan kasoo jeeda Qaarada Afrika ayaa dhaleeceyn kala kulantay go’aanka ay qaadatay, waxa ayna sheegtay in khilaafka u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiin ay tahay mid siyaasad oo kaliya lagu xalin karo heshiis ay labada dhinac wada gaaraan.

Dhinaca kale Safiirka Ugandha u fadhiya Qaramada Midoobay Amb.Adonia Ayebare, ayaa sheegay in go’aanka Garsooraha Ugandha kasoo jeeda aysan ka tarjumeyn arragtida dowlada Ugandha oo uu sheegay inay garabtaagan tahay shacabka Falastiin.

Maxkamadda caalamiga ee ICJ ayaa dhawwaan soo saartay go’aano adag oo Israa’iil farayay in ay waxka bedesho duullaanka ay ku qaaday magaalada Gaza iyo gumaadka ay ku heyso dadka shacabka.

Related posts

Bariga Dhexe Oo Qarka u Saaran Dagaal Iyo Ciidamada Isbahaysiga Oo Weeraray Dalalka Yemen Suriya Iyo Ciraaq

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Isku Shaandhayn Balaadhqn Samee” Dhalinyarada Garxajis Oo Fariin U Diray Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

“Go’aanka Ay Maxkamadu Ay Maanta Gaadhay Waan Fileynay Gabadheenana Jimacaha Ayaan Aasaynaa” Ehelada Marxuumada Luul Cabdicasiis

Abdiaziz Bnnstaff