Borama News Network

Sacuudiga Oo Waji Gabax Kala Kulmay Robot Ay Maxamed u Bixiyeen Oo Gabar Ku Xadgudbey

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinnada dunida, shirkad laga leeyahay Sacuudiga oo robotyada sameysa laguna magacaabo QSS ayaa waxay soo bandhigtay robot nin loo ekeysiiyey oo lagu magacaabo “Muhammad”. Robot-kaan oo todobaadkii hore lagu soo bandhigay carwada DeepFest oo lagu qabtay Riyadh, waxaa u soo daawasho tagey kumannaan ruux oo daneeya aaladaha ku shaqeeya garaadka macmilka ah ee afka qalaad lagu yiraa Artificila Intelligence (AI).

Robot-ka Muhammad oo ah mid iskii u hawlgala, islamarkaana ku hadla afafka Carabiga iyo Ingiriiska, waxaa loogu soo labisey khamiis, cimaamad, cigaal iyo kabo sandal ah, marka kor laga arkana wuxuu u muuqday nin Sacuudiyaan ah.

Robot-kan oo Sacuudigu isaga bareejeeyeen mid kaloo dumar ah oo la yiraahdo Sophia, wuxuu noqday mid aad loo buunbuuniyo oo dadweynaha dalkaas indhahooda soo jiirtey, islamarkaana aad loogu han weynaa.

Laakiin wuxuu robot-kii carbeed ku kacay fal aan laga filaneyn, ka dib markii uu taataabtay gabar wariyey ah oo ka socotey telefishinka Al Carabiya oo hortiisa istaagtey si ay qof u wareysato.

Wariyahan oo lagu magacaabo Rawya Kassem ayaa iyadoo la yaabban qofka barideeda taabtay gadaal soo eegtay, iyadoo malaha rabta in ay u gacan qaaddo ninkan. Waxayse ashqaraartay markey aragtay isagoo weli u sii muhanaya inuu mar kale taabto.

Muuqaal gaaban oo laga qabtay sidey wax u dhaceen ayaa muujinaya Rawya oo si caro leh indhaha ugu gubeysa robot-ka, islamarkaana gacanta u baacineysa sidii in uu nin run ah yahay. Waayo wuxuu kula kacay fal laga yaxyaxo.

Dadweynaha Sacuudig ayaa durbadiiba sheekada qaad qaaday, kuwaas oo siyaabo kala duwan uga falceliyey habdhaqanka robot-ka. Qaar badan oo dadkaas ka mid ahina waxay ku eedeeyeen in uu ku kacay fal anshax darro ah.halka qaar kalena ay eedda dusha ka saareen shirkaddii sameysy oo ay ku durayaan in ay dhaqan xumo ku soo ababiyeen.

Balse shirkaddii sameysay robot-ka ayaa eedda iska fogeysey, iyadoo sheegtay in robot Mohammad uu ku shaqeeyo caqli macmil ah islamarkaana uu si buuxda ugu madaxbannaan yahay go’aamada uu qaadanayo..

QSS ayaa isku difaacday in shaqaalaha shirkaddu horay ugu ogeysiiyeen ka qaybgalayaasha in ay ka dheeraadaan robot-ka muddada uu bandhiggu socdo, maadaama aan la saadaalin karin dareenkiisa, waxayse ballanqaadeen in ay ku dadaali doonaan sidii loo xaqiijin lahaa in uusan mar kale dhacdhacin.

Related posts

WAR DEF DEG AH: ISCASILAADA Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland “ Waala Siiyay Bada Saylac Itoobiya …

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Hanjabaad Culus Hawada Mariyay Sheegayna In Ay Talaabo Qaadayaan

Abdiaziz Bnnstaff

Turkiga: “Duulaanka cadowtooyo ee Israa’iil ee sii kordhaya waxa uu khatar ku yahay amniga Mandiqada”

Abdiaziz Bnnstaff