Oday 50 Jir Ah Oo Isku Daldaly Duleedka Magaalada Dhuusamareeb Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Wararka aan ka helayno Deegaanka Balli-Cad ee Hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ku warramaya in Xalay Nin ka mid ah dadka degaankaasi uu is dal-dalay.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Ninkaas oo 50 sano jir ahaa uu isku dal dalay Deegaanka balli-cad ee Gobalka Galgaduud oo hoostaga Magaalada Dhuusamareeb, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan sababaha Marxuumkaasi isku dilay.
Marxuumka ayaa lagu magacaabaa Cabdi faarax Xasan Guureey, Waxaana la sheegay in uu xarig qoorta iskaga xiray geedna iska soo laalaadiyay Waxaana ninka is dal dalay hayay xanuun dhanka maskaxda ah oo mararka qaar qaban jiray arinkaas oo loo badinayo sababta keentay in uu is dilo.

Dadka degaanka ayay arrintaasi la yaab ku noqotay, waxaana ay sheegeen in aysan wali horay uga dhicin degaanka arrin taa la mid ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ganacsatada Islii Oo Rajeynaya Inay Dowladda William Ruto Wax Ka Qabato Sicir-Bararka Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

Al-Shabaab Oo Saaka Weerar Madaafiic Ah Ku Qaaday Degaan Ay Kula Dagaalameen Ciidamada Liyuu Booliska

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Kulmiye Oo Wacdaro Ka Dhigay Bandhiga Buuga Waji Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More