Borama News Network

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Maraykanka oo xilka looga qaaday xakamayn la’aanta qulqulka soogalootiga Soomaalida qaybta ka tahay

Qulqulka tabriibeyaasha ay ku jiraan Soomaalida ee ka gudbaya xadka Mexico ayaa sababay in shaqada laga ergo wasiirka awoodda badan ee arrimaha gudah ee Mareykanka Alejandro Mayorkas.

Xil-ka-qaadista ayaa timid toddobaad kadib markii xubnaha Congress ee xisbiga Jamhuuriga ay u guuldareysteen inay shaqada ka eryaan wasiirka.

Xubnaha Jamhuuriga ayaa ku heysta wasiirkan sida uu u maareeyay dhaqangelinta sharciyada kahor-taga qulqulka tahriibeyaasha soo galaya Mareykanka oo aad u kordhay wixii ka dambeeyay markii la doortay Joe Biden, madaxweynaha Xisbiga Dimoquraatiga.

Madaxweynehii hore Donald Trump ayaa si weyn ugu ololeynaya in dowladda bedeshay ay ku fashilantay xakamaynka qulqulka dadka soo-galootiga ah.

Kumanaan kun oo muhaajiriin magan galyo doona oo ay Soomaali ku jirto ayaa ka talaaba xadad dhulka ee Maraykanku la wadaago dalka Mexico. Tan ayaa waxay dood adag ka dhex waday sanooyin badan xisbiyada Maraykanka.

Labadii sano ee la soo dhaafay boqolaal kun oo muhaajiriin ay Soomaali ka mid tahay ayaa ka gudbay xadka darbiga iyo siliga isugu jira ee gobolada Maraykanka ee xadka la wadaaga Maraykanka kuwaas oo lagu tilmamaay mid ka mida mowjadihii ugu balaarnaa ee qulqul muhaarijiina oo dalkaas galay.

Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka oo aqlabiyad caataa ku maamula aqalka wakiilada ayaa si adag u dhaliilay habka dowlada Biden u maamushay arintaas iyo dhaqan galin la’aanta sharciyada Socdaalka oo ay ku eedeeyeen dowlada.

Aqalka Congress-ka ayaa si dirqi ah ugu codeeyay in xilka laga xayuubiyo xoghayihii amniga gudaha Alejandro Mayorkas, taasoo ka dhigaysa in uu noqdo xubintii ugu horeysay ee golaha wasiirada ee wajaheysa xil ka qaadis muddo ku dhow 150 sano.

Qaar badan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa Mayorkas ku eedeeya qulqulka muhaajiriinta aan horay loo arag ee ku soo qulqulaya xadka Mareykanka iyo Mexico.

Aqalka uu hogaamiyo Jamhuuriga ayaa u codeeyay 214 ilaa 213 cabirka, ka dib markii isku daygii ugu horeeyay uu fashilmay todobaadkii hore.

Arrintu hadda waxay u gudbaysaa aqalka Senetka ee Dimuqraadigu hoggaamiyo, halkaas oo ay u badan tahay inuu ku guuldareysto.

Madaxweyne Joe Biden ayaa talaadadii codbixinta ku tilmaamay “fal cad oo xisbinimo aan dastuuri ahayn iyo mid siyaasadaysan.

Dadka ka soo horjeeda Mayorkas ayaa ku eedeeyay in aanu ka soo bixin dhaartii uu ku dhaartay ee ahayd in uu si wanaagsan oo daacad ah u gudan doono waajibaadkii xafiiskiisa isaga oo ku guul daraystay in uu wax badan ka qabto sugidda xuduudaha.

Related posts

“Madaxweynaha Waa Sameyn Karaa In Uu yiraahdo Dastuurka waala Ansixiyay,Laakiin Dastuurka…’

Abdiaziz Bnnstaff

Jaaliyada Reer Awdal Ee Sweden Oo Ka Digay Khatarta Heshiishka Somaliland iyo Itoobiya Ee Bada

Abdiaziz Bnnstaff

“Xukumaddani gaadhimayso muddada ay ku xukuntay Abwaan Cabdiraxmaan Abees” Masuul Waddani ka tirsan.

Abdiaziz Bnnstaff