Borama News Network

Maraykanka oo $95 Bilyan siinaya Ukraine, Israel Iyo Taiwan.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in lacag dhan $95 Bilyan oo doollar ay siinayso Ukraine oo wajahaysa dagaalka xooggan ee Ruushka, Israaiil oo jab wayn kasoo gaaray dagaallada ay kala hortageen Falastiin & Taiwan oo u xusul duubaysa in ay madaxbannaani ka qaadato Shiinaha.

Aqalka Senate-ka ayaa u codeeyay lacagtaan waxaana codaynta aqbalay 66 Senator oo katirsan 100 Mudane ee xubnaha aqalkaas ka kooban yahay waxaana loo gudbinayaa Congress-ka oo leh go’aan lamid ah kan aqalkaan.

Senator Chuck Schummer oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda ee golaha Senateka oo ka hadlay tallaabada ay qaadeen ayaa ku tilmaamay in ay tahay mid taariikhi ah waxaana uu ku baaqay in la kordhiyo taageerrada dhinacyadaan.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa bogaadiyay dhankiisa tallaabka Aqalka Senate-ka waxaana uu Congress-ka ka codsaday in ay meelmariyaan sidaas oo kale si Ukraine, Israaiil iyo Taiwan ay u helaan garab istaag buuxa.

Volodymyr Zelenskyy oo ah Madaxweynaha Ukraine ayaa soo dhoweeyay kaalmadaan cusub ee Maraykanka waxaana uu sheegay in lagu badbaadinayo Nolosha dad badan oo wajahaya xaalado adag oo ka dhashay Duullaanka Ruushka uu ku qaaday.

Related posts

“Dowlada Bay Hogaamisaa Hagranaysa Dadkii Hadhsanaysa Reernimo” Hal Abuur Cabdirasaaq

Abdiaziz Bnnstaff

Deg Deg:- Dowlada Somaliya Oo Dib Ucelisay Diyaarad Siday Wafti Sare Oo Itoobiyaan Ah U Sii Waday Magaalada Hargeysa

Abdiaziz Bnnstaff

Muxuu Yahaya Mawqifka Urur Siyaasadeedka Kaah Ee Ku Saabsan Heshiiska Badda Ee Somaliland Iyo Itoobiya?

Abdiaziz Bnnstaff