Borama News Network

Dowlada Fadaraalka Somaliya Oo Soo Dhawaysay Go’aanka Golaha Ammaanka Iyo Nabadda Midowga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika uu ku muujiyey sida uusan goluhu marnaba u ogoleyn in lagu xad gudbo Madaxbanaanida Dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS ayaa lagu yiri, “Waxaan uga mahadcelinayaa Golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika xaqiijinta ku aaddan madaxbannaanida waddamada xubnaha ka ah AU.”

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sii yiri, “Itoobiya waxay heshiis sharci darro ah la saxeexatay gobolka waqooyi (Somaliland), taasoo xadgudub ku ah madax-banaanida Soomaaliya, dhex dhexaadin ma jirto ilaa Itoobiya ay taas saxdo oo ay ka noqoto MOU-ga sharci darada ah.”
Golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika ayaa maalnimadii shalay soo saaray go’aan ay taageero ugu meejiyey dowladda Soomaaliya, ka dib markii dowladda Itoobiya ay hamisay in ay boobto dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa is-fgarad la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muse Bixi Cabdi oo sheegay in Itoobiya laga kireen doona Badda Soomaaliya, taas oo markii dambe ay madaxda dowladda iyo shacabka ay ka hor yimaadeen hadalka ka soo yeeray Addis.

May be an image of text

Related posts

Dowlada Maraykanka Oo Raadinaya Qaar Kamid Ah Ciidamadiisa Oo Lagu Waayey Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Waa Immsa Lacagta Kabka Ah Ee Ay Dowlada Soomaliya Siisay Somaliland Ee Aan Lagu Dirin Miisaaniyada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Ninkii jecla iyo kii Necbaayow Somaliland Waxa Baabinaaya Muuse Biixi Ee Maxastu Ha Sii Qaxdo” Suldaan Cabdiraxmaan Good

Abdiaziz Bnnstaff