Borama News Network

Biljamka: Maxkamad 15 Sano Oo Xabsi Ah Ku Ridday Nin Katirsan Mucaaradka Jabuuti Oo Nin Kale Isha Ka Riday.

Maxkamad ku taalla dalka Biljamka ayaa 15 sano oo xarig ah ku xukuntay nin ka mid ah mucaaradka Jabuuti, kaddib markii lagu helay inuu jirdil u geystay nin loolan siyaasadeed uu kala dhaxeeyo kaas oo la garaacay indhahana laga saaray.

Sida ay ku warrantay wakaaladda warark ee AFP oo aragtay xukunka lagu riday Talaadadii, Idriss Cawaale, oo 40 jir ah, ayaa lagu saleeyay”jir-dil uu ku lug lahaa oo keenay in ninka dhibanaha ah uu waayo xubno jirkiisa ka mid ah ” kadib markii bishii November 2016-ka uu dagaal dhex maray Cawaale iyo Liibaan Mustafa Xasan oo isna 40 jir ah.

Eedeysanaha ayaa isla markiiba xabsiga la dhigay ka dib markii 15-kii December ay xukuntay maxkamadda racfaanka ee Brussels.

​Sida lagu sheegay go’aankan, Maxkamadda ayaa sheegtay in labada nin ay yihiin mucaarad ka soo horjeeda dowladda Jabuuti, balse uu khilaaf xooggan soo kala dhexgalay.

Bishii Nufeember ee sanadkii 2016-kii ayaa nin taksiile ah waxaa uu meel ka mid ah caasimadda Biljamka ee Brussels, gaarahaan wadada dhinaceeda ku arkay Mustafa Xasan oo dhaawac isha kaga yaal isla markaana aad u dhiig baxaya, isagoo booliska u wacay kadibana isbitaalka ayaa loo qaaday.

Wuxuu u sheegay booliiska in weerarka lagu soo qaaday uu salka ku hayay arrimo siyaasadeed. Saacado kadib Cawaale qudhiisa ayaa isana isbitaal tagay isaga oo u muuqday in ilkaha iyo wajiga wax ka soo gaareen.

Related posts

DOODWADAAG XIISO LEH: Heshiishka itoobiya iyo Somaliland Ee Bada

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Warbixiyay Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Jabuuti

Abdiaziz Bnnstaff

“Ma Jirto Cid Maayar Mooge Xilka Ka Qaadi Karto”Xidhibaan Cudhay Si Adag U Difaacay Maayir Mooge

Abdiaziz Bnnstaff