Borama News Network

Hoobiye Ku Dhacay Degmada Boondheere Oo Sababay Dhimashada Haweenay.

Hoobiye ku dhacay Degmada Boordheere ee Gobolka Banadir gaar ahaan waaxda Sheekh Yuusuf Al-Kownayn ayaa sababay dhimashada Haweenay ku sugnayd Gurigeeda sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan ehelka Marxuumadda.

Aroornimadii hore ee Saakay ayaa la maqlay jugta qaraxaan Hoobiyaha ah ee kusoo dhacay Guriga ay ku geeriyootay Marxuumadda gaar ahaan qolkeeda oo xiligaas ay keligeed ku sugnayd sida ay sheegeen ehelkeeda.

Burbur xooggan ayaa soo gaaray qofka ay joogtay Marxuumadda, qaar kamid ah Dadka deegaanka ayaa dalbaday in baaris lagu sameeyo si uu uga yaraado welwelka ay ka muujinayaan suuragalnimada Hoobiye kale oo halkaas ku dhici kara.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka oo qaarkood goobta gaaray isla markaana sameeyay baaris hordhac ah weli faah-faahin kama bixin, waxaana lagu wadaa in ay warbixin kasoo saaraan arrintaan.

Magaalada Muqdisho ugub kuma ahan Hoobiye ku dhacay Guryo ay degen yihiin Dad rayid ah oo sababay dhimasho & dhaawac balse muddooyinkii dambe kiisaskaas ma dhicin waxaana loo sababeeyay isbaddelka Amniga Caasimadda.

 

Related posts

Yurub Oo Looga Digay “Dagaal Aysan Weli u Diyaar Garoobin” Lama Huraanse Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiyada Aanu Tartamayno Lagama Rabo Waanala Boobay Iyo Dad Dhintay Baa Codeeyay Ee Ha Ku Qancaan Natiijada Doorashooyinka ” Xisbiga Kulmiye

Abdiaziz Bnnstaff

Dalka Iran Oo Soo Saartay Diyaarad Dagaal Oo Ka Mid Noqotay Mid Dalalka Caalamku Si Wayn U Raadinayaan

Abdiaziz Bnnstaff