Borama News Network

Dowlada Turkiga Oo War Cusub Ka Soo Saartay Kiiska Wiilka Madaxweynaha Soomaaliya

Wasiirka caddaaladda dalka Turkiga Yılmaz Tunç ayaa sheegay in ay qiyaasayaan in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhuftay bajaajle Yunus Emre Göçer oo ku sugnaa Istanbul uuna sababay geeridiisa uu dhawaan imaan doono dalka Turkiga si maxkamad uu u wajaho.

Isagoo ka jawaabayay su’aalaha saxafiyiinta ka dib shirkii ‘Istaraatijiyadda Dib-u-habaynta Garsoorka iyo Qorshe Hawleedka Xuquuqda Aadanaha’ ee lagu qabtay Ankara, ayuu wasiir Tunç wuxuu yiri, “Waxaan ku qiyaaseynaa in qofka ay quseyso uu ka iman doono dibadda oo uu bixin doono bayaankiisa mustaqbalka dhow. “Wasaaraddayada arrimaha dibadda ayaa iyaduna arrintan kala hadlay,” ayuu yiri.

Warbaahinta ayaa ogaatay in wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la sii daayay ka dib markii lagu waayay wax khalad ah oo shilkaasi la xiriira, kadibna uu ka tagay Turkiga.

Warbixinta dheeriga ah ee uu ku dhawaaqay machadka baaritaannada casriga ah toddobaadkii hore, Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu helay “inuu ugu horreyn khalad leeyahay” Yunus Emre Göçer waxaa lagu helay “in uu khaladka labaad leeyahay”.
Hadalkiisa maanta ee saxafiyiinta, wasiir Tunc wuxuu xasay inay jireen laba warbixinood oo ka soo baxay machadka sameeya baaritaannada casriga ah sida dhiigga iyo dheecaannada , wuxuuna yiri, “dacwad ayaa lagu soo oogi doonaa iyada oo la raacayo qaab dhismeedka warbixinnadan. Dabcan, garsoorkeena ayaa ilaalin doona xuquuqda iyo shuruucda muwaadiniinta. “Eedaynta waxaa la diyaarin doonaa maalmaha soo socda gudahooda iyadoo la raacayo qaabka warbixinta khabiirka,” ayuu yiri.
Shilkaan oo 30 kii November ka dhacay meel u dhow waddada Eurasia Tunnel ee magaalada Istanbul, ayuu seyga haweeneydaan ku dhaawcmay, isaga oo dhintay lix maalmood kadib. Wuxuu ku geeriyooday Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee magaalada Istanbul sida uu duqa Istanbul shaaciayay .

Muuqaallo lasii daayay oo ay duubeen kaamirooyinka CCTV ayuu duqa magalaadda Istanbul ku daabcay bogga uu ku leeyahay X oo horey loo oran jiray Twitter – waxay muujinayaan gaariga oo gadaal ugu dhacaya mootada, waddo mashquul badan.

“Waxaan haystaa gabar 15 jir ah oo dugsi sare dhigata. Waxaa kale oo ii jooga wiil sideed jir ah oo qaba xanuunka autism ka. Cunugeyga waa uu ka haray noloshii bulshada maaddaama uu xanuunsanaa. Seygeyga iyo anigu waxaan isku dayaynay inaan nolosha ku toosinno. Hadda cidlo ayaan taaganahay,” ayay tiri Öznur Göçer.

Booliska ayay ku eedeysay inay gudbiyeen warbixin qalad ah, taas oo horseeday inuu waddanka ka baxo eedeysanaha shilkaan.

Dowladda Turkiga ayaa wajaheysa cadaadis isa soo taraya oo ku aaddan soo celinta wiilka madaxweynaha Soomaaliya, oo la sheegay inuu ka tegay Turkiga kaddib markii uu ku lug yeeshay shil dhimasho sababay oo ka dhacay Istanbul.

Yunus Emre Gocer, oo 38 jir bajaajle ahaa, ayaa dhaawaca kasoo gaaray shilka ugu geeriyooday isbitaalka 6-dii Bishan Disembar, lix maalmood kadib markii uu ku dhacay gaari uu Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ku waday waddada mashquulka badan ee Istanbul.

Related posts

Maxaa Lagaga Hadlaynaa Kulanka Xasaasiga Ah Ee Baarlamaanka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Ee Gobolka Awdal Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Siyaasi Cabdiwaab Unity Fariina U Diray Bulshada

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Turkiga Oo Balan Qaaday In Uu Difaaci Doonto Xoriyada Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff