Borama News Network

Nigeria: Ugu yaraan 76 ruux oo lagu dilay weerar ka dhacay Gobolka Plateau.

Faah-faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Plateau ee dhaca Bartamaha Dalka Nigeria Waqooyiga Qaaradda Afrika oo ay ku dhinteen ugu yaraan 76 ruux halka ay dhaawacmeen tiro kale.

Mas’uuliyiin katirsan Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in khasaaraha uu intaas ka badan karo maadaama dadka dhaawaca qaarkood dhiig-bax ku yimid isla markaana goobaha loo qaaday aanay jirin warbixinno kale oo kasoo baxay.

Afhayeeen u hadlay Maamulka Gobolka dhibaatadu ka dhacday ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen kuwo deegaanka ah kuna howlan yihiin sidii loosoo qaban lahaa Dadkii ka dambeeyay weerarkaas.

Nigeria waxaa kusii kordhaya dilalka sababa dhimashada iyo dhaawaca badan gaar ahaan deegaannada ay ku sugan yihiin kooxaha hubaysan, Dowladdu weli maxkamad sooma taagin Dad ay usoo qabatay kiisaskaan isdaba-joogga noqday.

Related posts

Shiinaha:- Maxkamad Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Lamaane Aroos Ahaa

Abdiaziz Bnnstaff

Raysla Wasaare Xamse Oo War Ka Soo Saaray Heshiiska Difaaca Badda Ee Turkiga Lagu Wareejiyay

Abdiaziz Bnnstaff

‘Qalbiga xanuun ayaan ka dareemayaa’: Hooyo Aamino oo wiilkeedii labaad looga dilay Canada

Abdiaziz Bnnstaff