Borama News Network

Liverpool Oo Guul Silic Ah Kula Wareegtay Hoggaanka Horyaalka Premier League

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League, kaddib markii ay 2-0 ku khaarajisay Burnley oo ay ku booqatay Turf Moor, halkaas oo ay kala soo laabteen saddex dhibcood oo siiyey inay laba dhibcood dhaafaan Arsenal.

Darwin Nunez iyo Diogo Jota ayaa Liverpool siiyey guul ay aad ugu baahnayd kaddib laba ciyaarood oo barbarro ahaa oo ay Arsenal iyo Manchester United ka lumiyeen afar dhibcood.
Liverpool oo inta badan maamulaysay ciyaarta ayaa iska lumisay fursado bada oo qaybtii horeba ay dersin goolal ah iyo guusha jeebadda ku shuban lahayd, laakiin Trafford ku noqday laf-dhuungashay oo uu diiday in Mohamed Salah, Elliot iyo Wataru Endo ay shabaqoodiisa u weydaataan.

Harvey Elliot ayaa helay fursaddii ugu horreysay ee ugu halista badnayd waxaana gantaal uu ku toogtay goolka ka badbaadiyey goolhaye Trafford.

Hase yeeshee daqiiqad kaddib ayay Liverpool hoggaanka ku qabatay gool qurux badan oo uu saxeexay Darwin Nunez oo kubbad ka helay Gakpo oo uu nasiibku u diiday in fursadihiisa uu ka faa’iideeyo.

Mohamed Salah ayaa kubadda la hor tegay goolka laba jeer oo midkood darbad xooggan oo uu tuuray ay birta kaga dhacday, halka midka kalena ay badbaadinteeda iska kaashadeen goolhaye Trafford iyo difaacyahannada kooxdiisa.

Endo ayaa kubbad uu ku toogtay lugta bidix oo dhulka socotay waxa isku tuuray goolhaye Trafford oo haddii aanu joogi lahayn ciyaartan ay kooxdiisu ceeboobi lahayd, isla markaana darsin goolal ah laga dhalin lahaa.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayaa bilowgii ay Liverpool samaysay dhawr fursadood oo ay iska difaacday Burnley, laakiin mar kaliya ayay ciyaartu dhinaca kale isku rogtay oo ay kooxda garoonkeeda joogtay yeelatay miciyo libaax iyadoo halis badan gelisay goolka.

Qalad uu sameeyey Endo ayay Burnley awoodi weyday inay ka faa’iidaysato iyadoo Jurgen Klopp ku qasabtay inuu isbeddel degdeg ah ku sameeyo kooxdiisa, waxaanu hal mar isasoo raaciyey Luis Diaz, Dominik Szoboslai iyo Jones oo culayska ka dul-qaaday kooxda.

Diogo Jota oo kasoo laabtay dhaawac ayaa noqday xiddiga ugu dambayntii ka qosliyey Jurgen Klopp ee u xaqiijiyey in saddexda dhibcood ay qaadanayaan oo aan lagaga daba iman karaynin, waxaana uu daqiiqaddii 90aad ciyaarta ka dhigay 2-0, kaddib markii uu lugta bidix ku dhamaystiray kubbad uu ka helay Luis Diaz.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Liverpool ay yeelatay 42 dhibcood waxaanay laba dhibcood dhaaftay Arsenal oo kaalinta labaad u dhacday, laakiin Khamiista la ciyaari doonta West Ham.

Related posts

Dalalka Midawga Yurub Oo Xeebaha Somaliya Ka Raadinaya Markab Dhawaan Lagu Afduubtay Xeebaha Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Baarlamaanka DG Puntland: Liiska La Shaaciyay 70% Mahan Mid Soo Maray Habraaca Guddiga Soo Maray.

Abdiaziz Bnnstaff

Paul Merson Oo Magacaabay Xiddiga Arsenal Caqabada Ku Ah

mustafeamiin