Borama News Network

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Baarlamaanka DG Puntland: Liiska La Shaaciyay 70% Mahan Mid Soo Maray Habraaca Guddiga Soo Maray.

Guddiga Doorashada Baarlamaanka 6aad ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa kahor yimid liiska xubnaha Golaha Wakiillada ee la shaaciyay waxaana uu Guddigaas eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Puntland Isxaaq Axmed Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 70% xubnaha la shaaciyay aanay soo marin habraaca loogu talagalay in la marsiiyo.

Isxaaq ayaa sheegay in Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Puntland ay soo qoratay xubnaha Golaha Wakiillada sidaas awgeed aanay raacsaneen habraaca sharci ee Guddigooda uu ugu talagalay in la marsiiyo musharrixiinta xildoonka ah.

“Liiska la shaaciyay 70% mahan mid soo maray habraaca Guddiga soo maray, madaxtooyada ayaa laga soo xulay, arrintaas waxa ay keentay khilaaf & muran dhammaan waayay, guddiga khilaafaadka waxaa loo magacaabaa in wax la xaliyo balse waxaa nasoo wajahay caqabado iyo culays, waxaa jira habraacyo la maro oo la is daayo wax jecleysi oo loo dhaxeeyo mucaarad & muxaafid” ayuu yiri Isxaaq Axmed Xasan, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Baarlamaanka Puntland.

Waxaa lasoo gudbiyay 66da xubnood ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland, muran siyaasadeed ayaa ka dhashay xubnahaas kaddib markii dadka diidan ay shaaciyeen in Madaxtooyada ay wadato dadkaas la shaaciyay magacyadooda.

La soco wixii kasoo kordha.

Related posts

Paul Merson Oo Magacaabay Xiddiga Arsenal Caqabada Ku Ah

mustafeamiin

Liverpool Oo Guul Silic Ah Kula Wareegtay Hoggaanka Horyaalka Premier League

mustafeamiin

Maxaa Horyaalka Premier League Looga Waayey Garsoore Madow Ah Muddo 15 Sannadood Ah? – Sam Allison Oo Xalay Beddelay Taariikhda Horyaalka

Abdiaziz Bnnstaff