Borama News Network

Isimada Dhaqanka Puntland oo soo xulay Baarlamaan keliya ay ku jirto Hal Haweenay.

Isimada Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa soo xulay 66da Xildhibaan ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedkaas waxaana laga diiwaangeliyay sanadkaan keliya ay ku jirto Hal Haweeney oo ah Abwaanad Muno Axmed Diyaano.

Baarlamaanka 6aad ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa looga maarmi waayay in dib loogu celiyo soo xulista Isimada dhaqanka kaddib markii uu socon waayay qorshaha doorashada Dadwaynaha ee Dowlad-Goboleedkaas.

Dumarka ayaa Baarlamaankii 5aad ee waqti xileedkiisu dhammaaday ku lahaa 2 xubnood balse sanadkaan hal ayay hoos uga dhaceen xisaabtii ay ku lahaayeen waxaana durba billowday cabashada Haween badan ay muujinayaan.

Xildhibaannada waxaa sidoo kale lagu soo daray 17ka xubnood ee metalaya SSC (Sool, Sanaag & Cayn) oo dhowaan maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo si cad u diiday in ay soo xulaan xubnahaas Golaha Wakiillada katirsan.

Xubnahaan lasoo xulay ayaa isniinta todobaadka soo socda oo ku beegan 8da Janaayo 2024 waxa ay dooran doonnaan Madaxweynaha & Ku xigeenka Dowlad-Goboleedka Puntland sida uu qorshuhu yahay haddii aanay dib u dhac ku imaan.

Xildhibaannadaan ayaa lagu wadaa in la dhaariyo kaddib kulan isugu yimaadaan si ay isaga dhex doortaan Guddoomiyaha Kumeel-gaarka ah oo ay u xulanayaan qofka ugu da’da wayn si loosii xulo guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada.

Marka la doorto Guddoonka Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa lagu dhawaaqayaa xubnaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha & ku xigeenkiisa si ay u diyaariyaan jadwalka Doorashada Dowlad-Goboleedkaas.

La soco wixii kasoo kordha.

 

Related posts

Maxaa Horyaalka Premier League Looga Waayey Garsoore Madow Ah Muddo 15 Sannadood Ah? – Sam Allison Oo Xalay Beddelay Taariikhda Horyaalka

Abdiaziz Bnnstaff

Liverpool Oo Guul Silic Ah Kula Wareegtay Hoggaanka Horyaalka Premier League

mustafeamiin

Puntland Raali Kama Noqon Doonto Wax Kasta Oo Kasoo Baxa Kulan Xasan Sheekh Iyo Muuse Biixi”Madaxwayne Deni”

Abdiaziz Bnnstaff