Borama News Network

Paul Merson Oo Magacaabay Xiddiga Arsenal Caqabada Ku Ah

Khabiirka ciyaaraha kubadda cagta ee Paul Merson ayaa farta ku fiiqay xiddig ka tirsan Arsenal oo uu sheegay inuu ‘walaac’ ku hayo, kaas oo uu xusay inay suurtogal tahay inuu Gunners la hadhi karayo oo uu ka galaafan karayo horyaalka Premier League ee ay ku tartamayaan.

Arsenal oo laba dhibcood ka dambaysa Liverpool oo xalay si ku-meelgaadh ah hoggaanka ula sii wareegtay, waxay Khamiista garoonka Emirates Stadium ku qaabbili doontaa West Ham, waxaanay u baahan tahay inay guuleysato si ay dib ugu soo ceshadaan hoggaanka ay Reds la wareegtay.

Arsenal ayaa horraantii toddobaadkan waxa ay dhibic kasoo heshay garoonka Anfield ee Liverpool, waxaana kusii socda tirada sannadaha ay guulo la’aanta ka yihiin kulamada ay ku ciyaaraan garoonkaas oo gaadhay 11 sannadood, haddana madaxa ay lasii gelayaan 12 sannadood oo xidhiidh ah oo aanay Arsenal wax guul ah kasoo helin Anfield.

Oleksandr Zinchenko ayaa bandhig liita sameeyey ciyaartii Liverpool, waxaana uu xakamayn kari waayey Mohamed Salah oo goolka barbarraha dhaliyey, iyadoo Gunners bilowgii ciyaartaas la hormartay gool uu madax ugu dhaliyey Gabriel Magalhaes.

Paul Merson oo u ciyaari jiray Arsenal, ayaa waxa uu saluugsan yahay Oleksandr Zinchenko oo uu ku tilmaamay ciyaartoyga la hadhaya Arsenal, waxaana uu yidhi: “Arsenal waa koox ka duwan sidii ay ahaan jiray. Wax badan ayay ka barteen xilli-ciyaareedkii hore, waxaana heerkooda sare usoo qaaday Declan Rice. Waxay ila tahay inay hadda horyaalka ku guuleysan karayaan.

Related posts

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya Oo Cod Aqlabiyad Leh Ku Anxisiyay Qayb Ka Mid Ah Dustuurka Dalka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Horyaalka Premier League Looga Waayey Garsoore Madow Ah Muddo 15 Sannadood Ah? – Sam Allison Oo Xalay Beddelay Taariikhda Horyaalka

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo Wararkii Ugu Dbeeyay Ee Dagaalka K Socda Dalka Sudan Iyo Barakac Xoogan Oo Ka Socda Dalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff