Borama News Network

Shiinaha:- Maxkamad Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Lamaane Aroos Ahaa

Waxaa dil toogasho ah lagu fuliyay lamaane aroos ahaa oo lagu eedeeyey iney  si xun u dileen labo caruur ah iyagoo ka tuuray daaqadda guri dabaq ah.

Zhang Bo aabaha dhalay laba carruurta ah iyo Ye Chengchen ayaa horay loogu helay dambiga ah inay dileen gabar laba jir ah iyo wiil hal sano jir ah sanadkii 2020-kii.

Ninkan ayaa xiriir jecel la bilaabay Ye, ka dibna waxa uu furay xaaskiisii hore, isagoo dilay labada caruur ah oo ay dhashay xaaska uu ay soo kala tageen

Maxkamadda Sare ee Shiinaha oo xukunka dilka ah fulisay ayaa ku tilmaantay lammaanaha kuwa naxariis daran.

Lamaanahan ayaa Arbacadii lagu toogtay magaalada Chongqing ee koonfurta-galbeed ee dalkaasi.

Related posts

Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Agaasimaha CID -da Maraykan Uu Safar Qarsoodi Ah Ku Yimid Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Saidi Deni Oo Faahfaahiyey Gogosha Wadahadal Ee Arrimaha Soomaaliya Ee Ay Puntland

Abdiaziz Bnnstaff

“Xeerku sharci ahaan madaxweynuhu horyaalaa, waxaana la gudboon..” Garyaqaan Xamdi Khaliif

Abdiaziz Bnnstaff