Borama News Network

Hal qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool

Hal qof ayaa ku dhintay halka ay tiro kale ay ku dhaawacantay ka dib shildiyaaradeed oo barqanimadii maanta ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ee dowlad gobaleedka koonfur Galbeed.

Diyaaradda shilka gashay ayaa barqanimadii maanta ka duushay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana saarnaa afar ruux oo ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay gaar ahaan kuwa WFP, kuwaas oo siday gargaar.

Maareeyaha garoonka Ceelbarde Cabdifitaax Geedsane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shilka diyaaradeed uu ka dhashay ka dib markii mid ka mid ah Taayarada diyaaradda uu baxay, xilli diyaaradda gashay dhismo u dhow garoonka.

Bilowga bishaan ayay ahayd markii diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay ay ka degtay deegaan ay ka taliyaan Al-Shabaab kuwaas oo ku yaala gobolka Galgaduud, ka dib markii la sheegay in diyaaradda ay cillad ku timaaday.

Related posts

Raysal Wasaare Xamse Oo Isku Shaandheyn Iyo Magacaabis Ku Sameeyay Golaha Wasiirada

Abdiaziz Bnnstaff

C/ CabdiShakur “Muuse Biixi In Lala Kulmo Waa Lagu Dag Dagay Cidii Ku Talisayna Waa Qaldaneyd

Abdiaziz Bnnstaff

Hadalhayn xooggan oo ka dhalatay madaxa sirdoonka Kenya Nurdiin Xaaji oo loogu baaqay inuu iscasilo

Abdiaziz Bnnstaff