Borama News Network

Dowladaha Qatar Iyo Imaaraadka Carabta Oo Kawada Hor Yimid Damaca Itoobiya

Dowladda Qatar oo ka qeyb gashay shirka Golaha Jaamacadda Carabta ee heer wasiir, kalfadhigii aan caadiga ahayn ee shalay qabsoomay laguna lagu taageerayay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si looga hortago damaca gurracan ee Itoobiya kaas oo ka dhan ah madax banaanida iyo Midnimada dhulkeeda ee Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa waxaa kulanka uga qeyb galay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sultan bin Saad Al Muraikhi, isagoo khudbad ka jeediyey shirka ayaa sheegay in ka qeyb galka kulankan deg dega ah uu yahay mid lagu taageerayo Jamhuuriyadda ay walaalaha yihiin ee Soomaaliya, taas oo uu sheegay in lagu gafay midnimadeeda dhulleed, xasiloonideeda iyo wadajirkeeda.

Wasiirka ayaa waxa uu carabka ku adkeeyey sida ay Dowladda Qatar uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka soo horjeedo tallaabo kasta oo saameyn ku yeelanaysa Qaranimada Soomaaliya,isagoo caddeeyay in waajib tahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Carabta Khalifa Shaheen Almarar ayaa  ka qeyb galay kulan aan caadi ahayn ee u qabsoomay Golaha Wasiirada ee Jaamacadda Carabta .

Intii uu socday kulanka, wasiiru dowlaha ayaa caddeeyey in ay taageersan yihiin madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ku celceliyey in ay garabtaagan yihiin dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Carabta Khalifa Shaheen Almarar oo sii wata hadaladiisa ayaa tilmaamay in dalalka Carabtu ay isku raacsan yihiin gacansiinta dowladda Soomaaliya iyo wax kasta oo ay u arkaan in ay lagama maarmaan u yihiin  arrimaha Soomaaliya.

Related posts

Booliiska Maamul Goboleedka Puntland Oo Sheegay In Ay Qabteen Ajaanib Katirsan Daacish.

Abdiaziz Bnnstaff

Gudida Diiwaangelinta Ururada Iyo Ansixinta Asxaabta Oo Go,aamo Ka Soo Saaray Urur Siyaasadeedka Shacabka.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Ka Qayb Galaya Shir Uu Joogo Abiy Ahmed

Abdiaziz Bnnstaff