Borama News Network

Maxaa Laga Filan Karaa Shirka Aan Caadiga Ahayn Ee IGAD Kuna Saabsan Xiisadda Itoobiya Iyo Soomaaliya

Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa la filayaa in uu ka furmo shirkii ay iclaamiyeen madaxda dowladaha xubnaha ka’ah urur goboleedka IGAD iyadoo qorshuhu yahay in looga hadlo xiisadda ka dhex aloosan Itoobiya iyo Soomaaliya.

Shirka waxaa iclaamiyay madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana marti gelisay dowladda Uganda.

Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee IGAD waxaa kale oo ka qayb galaya qaar ka mid ah bahwadaagta caalamiga ah.

Madaxweynaha Dowladda federaalka ah ee Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalayba gaaray magaalada Kampala, waxaase xusid mudan in dowladda Itoobiya ay ka cudur daaratay imaanshaha shirkan.
Itoobiya ayaa sheegtay in qorsheyaal kale oo jadwalka ugu jiray iyo shirka oo degdeg ah awgeed aysan soo xaadiri karin, iyadoo madaxda kale ee lagu casuumay ay qaarkood gareen magaalada Kampala.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhex taagan khilaaf ka dhashay heshiis ay Addis Ababa la gashay jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, kaas oo ku saleysnaa dhul badeed laga kireynayo Itoobiya.

Hadabba shirkan oo qorshuhu yahay in uu isla maantaba soo gebo-gaboobo ayaa waxaa la is weydiinayaa waxa ka soo bixi doona iyo go’aamada la filayo in lagasoo saaro.

Inta badan dalalka ku bohoobay IGAD ayaa horay u si adag uga hadlay tallaabada Itoobiya iyadoo la la filayo in ugu yaraan shirkan ay kasoo baxaan qodobo cadaadis diblomaasiyeed saaraya dowladda Itoobiya sida ay khubarradu sheegayaan.

“Qodobbo dhowr ah ayaa la filayaa in ay shirkan kasoo baxaan, dabcan Itoobiya kuma farxi doonto waxa la filayo in ay kasoo baxaan, waxaan ognahay in madaxweynaha Uganda oo shirka marti geliyay uu aad uga careysan yahay waxa ay itoobiya sameysay, dabcan madaxda kalana waa ay cambaareeyeen”, ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo BBC-da la hadlay isla markaana haatan ku sugan magaalada Kampala.
Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ah falanqeeye ka faallooda arrimaha Soomaaliya, horayna u soo noqday wasiirkii batroolka iyo macdanta ee Soomaaliya ayaa isaguna sheegay in IGAD aysan taageeri karin heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaliland iyadoo ku qasban in ay dib u eegto xaaladaha kale ee gobolka.

“Waxaan ognahay in dalal badan oo gobolka ah ay si cad uga soo hor jeesteen heshiiskan, hase yeeshee weli waxaa dhici karta in madaxda IGAD ay ku kala duwanaadaan arrinkan taas oo xaaladda ugasii dari karta, dal kasta waxaa kajira gobollo dhexdiisa ah oo diiddan hab maamulkiisa, waxaana ay muujin kartaa in dalal badan ay kasoo baxaan qowmiyado sameyn kara gooni u goosad waa haddii ay soo baxaan taageero ku aaddan heshiiska Somaliland ay la gashay Itoobiya”.

Dhinaca kale waxaa shaki la gelinayaa sababta keentay in Itoobiya ay ka cudur daarato kasoo qayb galka shirkan aan caadiga ahayn, waxaase falanqeeyeyaashu ay ku micneeyeen in ay ku hoos duugan tahay arrimo siyaasadeed iyo in Itoobiya ay u sii muuqato dhaleeceynta caalamiga ah ee ay la kulmi karto.

“Itoobiya marna kuma qanci doonto waxa shirkan kaso baxaya, waana sababta ay shirka uga caga jiidday in ay kasoo qayb gasho, Soomaaliyana waxa ay ku doodeyso waa sharci iyo ilaalinta dhulkeeda, waana sababta ay Itoobiya ugu dhiiran weyday in ay shirka kasoo qayb gasho, dabcan cudur daarkaasna waa mid siyaasadeysan”, ayuu yiri falanqeeye Maxamed Mukhtaar Ibraahim.
Wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay u arki karto maqnaanshaha Itoobiya guul u soo hoyatay maadaama ay filanayso taageero iyo garab istaag inay shirka ka hesho.

Haddaba go’aamada ka soo baxa awood intee le’eg ayay IGAD u leedahay fulinteeda?

“IGAD malaha ciidan militari oo awood badan mana laha maxkamad wax go’aamisa oo xukmisa, waxa ay noqon kartaa in go’aan kasta oo soo baxa loola tago midowga Africa si loo xoojiyo fulintiisa, hase yeeshee Soomaaliya oo mareysa wadada sharciga ah waxa ay heli kartaa taageero ka sii weyn tan hadda aan aragnay”, ayuu Maxamed Mukhtaar Ibraahim u sheegay BBC-da.

“Waxaa la’isku raacsanyahay in Soomaaliya waxa ay ku doodeyso ay sharci tahay, waxaana la filayaa in Soomaaliya ay heli doonto taageero muuqata, IGAD waxa ay ku qasban tahay in ay go’aanno cadcad ka gaarto arrintan isla markaana ay fuliyaan go’aan kasta oo soo baxa”, sidaasi waxaa yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa u muuqata mid cirka iskusii shareereysa iyadoo shalay la arkayay in dowladda Soomaaliya ay hawadeeda ka celisay diyaarad sidday wafdi katirsan dowladda Itoobiya oo kusii jeeday magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Dhinaca kale shirkan aan caadiga ahayn ee IGAD ayaa sidoo kale la filayaa in looga hadlo dagaalka kasocda Sudan walow dowladda Sudan ay si cad u diidday in ay kasoo qayb gasho sababo la xiriira in ay diiddan tahay in ninka hoggaaminaya mucaaradka Sudan, ahna taliyaha ciidamada RSF ee dagaalka kula jira kuwa millitariga Sudan lagu casuumay.

Related posts

“Shaqo Xumada Xukumada Ayay Ka Mid Tahay In Miisaaniyada Ay La Raagto, Hadhawna Nala Baryo……” Xildhibaan Mukhtaar Maydhane

Abdiaziz Bnnstaff

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in saddex ka mid ah shaqaalihii la socday lagu dilay, ugu yaraan afar kalena lagu dhaawacay weerarka Xuutiyiinta ay ku qaadeen markab ganacsi meel ku dhow Yemen. “Abaarihii 11:30 subaxnimo (waqtiga Sanca) ee 6-dii Maarso, ayaa gantaal nooca ballistic-ga ah (ASBM) laga soo riday aagagga ay argagixisada Xuutiyiinta Yemen ka taliyaan ee Iran ay taageerto, kaasoo lagu weeraray markabka M/V True Confidence, oo uu ka babanaayo calanka Barbados, Laybeeriya. isagoo u sii gudbaya Gacanka Cadmeed,” ayaa lagu warka lagu sheegay warka Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka “Gantaalka ayaa ku dhacay markabka, shaqaalaha caalamiga ah waxay soo sheegeen saddex dhimasho ah, ugu yaraan afar dhaawac ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay, iyo burbur weyn oo soo gaaray markabka.” Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in kani uu yahay gantaalkii shanaad ee ka hortagga maraakiibta ballistic-ga ee Xuutiyiinta ay rideen labadii maalmood ee u dambeeyay.

Abdiaziz Bnnstaff

Dhalinyarada Burco Oo Bacadka Wax Ku Akhrisanaysa Baafinayana Dhaqaalihii Lagu Dhisayay Maktadaba Akhriska See Magaalada Burco

Abdiaziz Bnnstaff