Borama News Network

Diyaaradaha Dagaalka Ee Israel Oo Duqaymo Ka Fuliyay Qaybo Ka Mid Ah Gudaha Dalka Suuriya

Warbaahinta dalka Suuriya ayaa ku warramaysa in diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay tobannaan weeraro ah ka fuliyeen guud ahaan dalkaasi oo ay ku jirto caasimadda Dimishiq.

Kooxda u dooda xuquuqul insaanka Suuriya ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in ay jiraan in ka badan 100 weerar oo lala beegsaday bartilmaameedyo militari.

Xarun cilmi baaris oo laga shakisan yahay inay xiriir la leedahay wax soo saarka hubka kiimikada ayaa ka mid ah goobaha la weeraray, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay qaadayso sidii ay u joojin lahayd hubka “gacanta u galay kooxaha xagjirka ah” ka dib markii la riday taliskii Asad.

Isniinta shalay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay yeesheen waxa ay kaga hadleen xaaladda dalka Suuriya ka dib markii la riday Madaxweyne Bashaar Al-Asad, waxaana ay sheegeen in maalmaha soo socda ay soo saari doonaan war ku saabsan xaaladda.

Related posts

60 Baabuur oo hadda la shaaciyey in lagu qabtay Hargeysa

Mustafe haji

Dad Ku Dhintay Dagaal Addis Ababa Ku Dhex Maray Booliska Iyo Xubno Ka Tirsan Jabhadda Fano

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamada Dalalka Masar Iyo Shiinaha Oo Si Wada Jir Ah U Samaynaya Dhuulatus Milatari

Abdiaziz Bnnstaff