Borama News Network

Dad Ku Dhintay Dagaal Addis Ababa Ku Dhex Maray Booliska Iyo Xubno Ka Tirsan Jabhadda Fano

Booliiska magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegay in saddex qof lagu dilay kadib markii ay israsaaseyn dhexmartay xubno ka tirsan kooxda Fano ee hubaysan.

Mid ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa qof rayid ah, halka labada kalena ay ka tirsanaayeen kooxdaasi, sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliska.

Laba askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay. Dhacdadan ayaa subaxnimadii Jimcaha ka dhacday xaafad ay dagaan qoysaska ladan oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Kooxda Fano ayaa inta badan ka hawlgasha gobolka Axmaarada oo dagaal kula jira ciidamada tan iyo bishii August ee sanadkii hore.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee rabshado laga soo sheego Addis Ababa oo la xiriirta jabhada Fano.

Related posts

“Xeerka Waxba Kamaanu badalin” Golaha Guurtida Somaliland Oo Wali Ku Rafanaya Xeerka Doorashooyinka

Abdiaziz Bnnstaff

Bukaan Lagu Beeray Kilda Xayawaanka Doofaarka Oo Soo Caafimaaday Isaga Oo Wata Kalidii Doofaarka

Abdiaziz Bnnstaff

Muxuu Salka Ku Hayaa Martiqaadka Madaxwaynaha Dalka U Fidiyay Madaxwaynaha Dalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Abdiaziz Bnnstaff