Borama News Network

Bukaan Lagu Beeray Kilda Xayawaanka Doofaarka Oo Soo Caafimaaday Isaga Oo Wata Kalidii Doofaarka

Bukaankii ugu horreeyey ee lagu xiray kelli doofaar oo hidde rogan ayaa isbitaalka laga saaray, ka dib markii uu qalliinka ka soo kabtay.

Ninkan oo 62 sano jir ah ayaa Arbacadii gurigiisa loo diray, ka dib markii uu labo todobaad ku jirey isbitaalka Massachusetts General Hospital (MGH) oo ku yaal magaalada Boston ee dalka Mareykanka, halkaas lugula sameeyey qalliin taariikhda galay.

Waa markii ugu horreysey ee xubin doofaar oo hiddaheeda la dooriyey ay ku shaqeyso jir bini’aadam, taas oo ay saynisyahannadu si weyn ugu riyaaqeen.

Isbitaalka qalliinka sameeyey ee MGH oo hoos taga dugsiga caafimaadka ee jaamacadda Havard, ayaa warkan daboolka kaa qaaday Arbacadii.

Bukaankan oo la yiraahdo Richard “Rick” Slayman ayaa sannadkii 2018 waxaa lagu tallaalay kelli uu ku deeqay qof dhintey, laakiin muddo gaaban ka dib wey istaagtey, markaas oo dhakhaatiirtu u soo jeediyeen in kelli doofar lagu dayo.

Kellida cusub ee doofaarka ee Mr. Slayman ku jirta ayaa waxaa maduuftikeeyey shirkad ka shaqeysa daawada oo la yiraa eGenesis, taas oo isku sidigtay hidde-sideyaasha dadka iyo doofaarka, iyadoo meesha ka saartay kuwii aan is qaadan karin.

Waxaa xusid mudan in isla isbitaalka Massachusetts General Hospital (MGH) uu ahaa kii ugu horreeyey dunida ee sameeya qalliin guuleysta oo qof xubin uusan lahayn lagula rakibo, taas oo ay bukaan ku xireen kelli qof kale.

Related posts

Maxay Kawada Hadleen Madaxwayne Xasan Sheekh Iyo Danjiraha Ruushka Ee Soomaaliya?

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamada Yahuuda Oo Caruur Ku Laayay Magaalada Rafax Ee Dalka Falastiin

Abdiaziz Bnnstaff

Midowga Yurub Oo Israa’iil Ku Eedeeyey In Ay Reer Qasa Gaajo u Dileyso

Abdiaziz Bnnstaff