Borama News Network

Xuutiyiinta Oo Gantaalo Ku Weeraray Tel Aviv Iyo Khasaaro Ka Dhashay

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa in Jimcaha maanta uu u safro dalka Jabuuti, waxaana uu booqan doona ciidamada Faransiiska ee ku sugan saldhigga uu Faransiiska ee ku yaala dalka Djibouti.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu gaaro dalka Jabuuti, oo uu halkaas kula kulmo dhiggiisa Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo uu kala hadli doono xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrikaba.

Labada waddan, waa Faraansiiska iyo Jabuuti, ayaa lagu wadaa inay sii xoojiyaan xiriirka ka dhaxeeya oo ah mid wanaagsan.

Macron ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu tego dalka Itoobiya muddo 5 sano ah kadib.

Bishii Luulyo ee sanadkan, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku heshiiyey in dib loo cusboonaysiiyo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal, kaddib wadahadallo laba sano socday.

Waxay saxiixeen heshiis ku saabsan “dib u habeynta heshiiska difaaca oo ay ku mideysan yihiin Faransiiska iyo Jabuuti, kaas oo ka dhacaymadaxtooyada Faransiiska.

Heshiiska difaaca ayaa markii ugu horreysay la saxiixay 1977-kii markaasoo Jabuuti ay xorriyadda ka qaadatay Faransiiska , waxaana dib loo cusbooneysiiyay 2011-kii.

Madaxweynaha Faransiiska, Emanuel Macron, ayaa xalay ku hoyday jasiiradda burburtay ee Mayotte. Jasiiradda o ay ku dhufatay dufaan xoogan ayaa waxaa isaga oo saaran diyaarad ah nooca helicopter, uu ka eeegay dusha sare isaga oo ku sifeeyey maalin aanu ilaawi dooninSubaxnimadii Sabtida kooxda Xuutiyiinta ee Ansarullah waxay la bartilmaansadeen aag ku yaal Tel Aviv gantaal ballistic ah oo ah nooca “Falastiin 2”, kooxdu waxay bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in “weerarku uu ka dhigan yahay beegsiga bartilmaameedka ciidamada Israel. “

Afhayeenka milateriga ee kooxda Yahya Saree ayaa hadal uu ka jeediyay telefishinka ku sheegay in ciidamada gantaallada ee kooxda ay “ku guulaysteen” inay beegsadeen xarun ay leeyihiin ciidamada Israa’iil, taasoo ah isku day kale oo ay ku doonayeen inay ku qaadaan weerar ka dhan ah Israa’iil.

Saree waxa uu intaa ku daray , sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters, in gantaalku “si sax ah uu ugu dhacay bartilmaameedkiisa, difaaca iyo gantaalada ka hortaga kuwa ay ku guul-darreysteen inay ka hortagaan”.

Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay laba maalmood ka dib markii Israa’iil ay duqaymo ka geysatay dekedaha Xuutiyiinta iyo kaabayaasha tamarta ee Yemen, oo in ka badan 1,500 kilomitir koonfurta ka xigta Israa’iil, waxaana ku dhintay sagaal qof, sida ay sheegeen Xuutiyiinta.
Dhankooda, ciidamada Israel ayaa ku dhawaaqay inay “ku guuldareysteen inay ka hortagaan gantaal ka yimid Yemen subaxnimadii Sabtida” kaasi oo ku dhacay aagga Tel Aviv-Jaffa,.
Waaxda adeegga ambalaasta ayaa sheegtay in 16 qof ay dhaawacyo fudud soo gaareen, islamarkana uu jiro burbur hantiyeed.

Bayaanka ayaa intaa ku daray”kooxuhu ay daryeel caafimaad siiyeen 16 qof oo dhaawacyo fudud ka soo gaareen muraayadaha dhismo burburay.”

“Waxaan ku sugnaa guriga, waxaana maqlay qarax weyn, waxaan isla markiiba tagay goobta, waxaana arkay burbur xooggan oo ka dhashay qaraxa ka dhacay dhismayaal ku dhow ,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka Israa’iil oo la hadlay AFP.

Weerarkan Xuutiyiinta ay ku qaadeen bartilmaameedka militariga ayaa ah kii labaad oo noociisa ah maalmo gudahood, inkastoo maalmo ka hor uu digniin u diray Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo u sheegay Xuutiyiinta “Ciddii weerarta Israa’iil waxay ku bixin doontaa qiimo culus. .”

Afhayeenka Xuutiyiinta ayaa Sabtidii ballan qaaday in ay sii wadi doonaan howlgallada “ilaa ay ka joogsanayaan gardarrada iyo go’doominta lagu hayo marinka Qaza .”

Wadaxaajoodyada Gaza ‘oo ku socda jihada saxda ah’
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Israa’iil ay soo bandhigayso, iyada oo qayb ka ah wada xaajoodka is dhaafsiga maxaabiista, in “maxaabiista heerkoodu sare ee Falastiiniyiinta aan lagu sii dayn Daanta Galbeed , balse loo wareejiyo dibadda.”

Wakaaladdu waxay soo xigatay mas’uul Israa’iili ah oo xaqiijiyay in horumar laga gaaray wada-hadallada, iyadoo xustay inay u socdaan jihada saxda ah.

Inkasta oo ay jirto rajo wanaagsan oo ku xeeran wada-xaajoodyadan, haddana wargeyska Washington Post ayaa sheegay in dhexdhexaadiyaha Maraykanka ahi uu ka baxay Doha oo uu ku laabtay Maraykanka ka dib hal maalin oo keliya oo wadahadal ah.

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan wafdiga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan in heshiis la gaaro ay ka mid yihiin tirada la heystayaasha la sii dayn doono wejiga koowaad, marka laga soo tago aqoonsiga maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee lagu daray sii deynta.

Weli waxaa jira arrimo is-diidan oo u dhaxeeya labada dhinac, waxaana ugu muhiimsan: ka bixitaanka Israa’iil ee Marinka Gaza, ku noqoshada dadkii ku barakacay waqooyiga Marinka Gaza, maareynta marinnada, iyo mustaqbalka maamulka Gaza ee heshiiska kadib.

Kanaalka laga leeyahay israa’iil ee Channel 12 ayaa sheegay in qaar ka mid ah qoysaska la haystayaasha Israa’iil ay heleen tilmaamo ku saabsan suurtagalnimada in heshiis hordhac ah lala gaaro Xamaas tobanka maalmood ee soo socda.

Kanaalka ayaa intaa ku daray, isagoo soo xiganaya ilo xog ogaal ah, in liiska maxaabiista Falastiiniyiinta ee la sii deyn doono wejiga koowaad “la dhameystiray”.

Related posts

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Gaadhay Wajaale Oo Uu Ka Dilqacay Xanuunka Shuban Biyoodku

Abdiaziz Bnnstaff

Gudida dhalinyarada Beesha Reer-ciise oo caawa Afur iyo casho wadareed usameeyay Odayada Aqoonyahanka iyo Qaar kamida dhalinyarada BeeshA

Mustafe haji

Dowlada Jabuuti Oo Sheegtay In Ay Deked Siinayo Dalka Itoobiya Oo Si Wayn U Raadinaysa In Ay Hesho Deked

Abdiaziz Bnnstaff