Borama News Network

Muxuu yahay Kaarka Buluuga ah ee muranka dhaliyey ee kubadda cagta lagu soo kordhiyey

Kubadda cagta ayaa mar kale lagu soo dari doonaa mid ka mida qorshayaal loo arko inay qayb ka qaadan karaan sidii loo hormarin lahaa, balse waxaa durba soo baxaya diidmo ay ka muujinayaan dadka ku xeeldheer ciyaaraaha.

Sharci-dajiyayaasha kubbadda cagta IFAB ayaa ka doodi doona xeerar cusub oo ah anshax marin ciyaartooyda ah, waxayna arki doonaan kaararka buluugga ah.

Kaarkan waxaa la yiraahdaa ‘Sin-bins’ waa calaamad lagu ganaaxayo ciyaartoyda kubadda cagta kaasoo ku biiraya digniinaha hadda jirta ee Jaalaha iyo gaduudka ee loo taago ciyaartoyda marka ay galaan khalaadaad is xiga.

Garsoorayaal hore oo kubadda cagta ah qaar ayaa gadaal ka riixaya qorshan iyagoo ku sifeeyey inuu yahay mid loo baahan yahay xiligan kubadda cagtu ay samaysay horumaro waaweyn.

Guddiga Xiriirka Kubada Cagta ee Caalamka ee la yiraahdo IFAB ayaa qorshaynaya inay kaarkan ku qabtaan kulankooda sanadlaha ah ee Loch Lomond oo bisha soo socota ka dhici doona Scotland iyadoo si tijaabo ah loo adeegsan doono kaarka Buluuga ah.

Horyaalka Premier League ayaa horay u diiday inuu qeyb ka ahaado soo saarista bilowga ah ee tijaabo kasta, halka xiriirka kubbadda cagta adduunka ee Fifa uu sheegay in “warbixinta waxa loogu yeero ‘kaarka buluuga ah’ ee heerarka sare ee kubada cagta ay yihiin kuwo khaldan oo dhicis ah”.

Sida uu sheegay Maxamed Axmed Deysane oo ah khabiir ka faalooda kubada cagta, kaarkan ayaa noqonaya mid qaadan doona waqti dheer si loo meel mariyo.

Labada waqti ee ugu badan ee la adeegsan doono kaarkan Buluuga ah ee ‘Sin-bins’ ayaa kala ah, marka ciyaartoy caraysan uu u ordo dhanka garsooraha taas oo aan haddda loo adeegsan inta badan calaamadda Jaalaha ah ama ‘yellow card’ iyo tan labaad oo ah marka mid ka mid ah ciyaartoyda wada ciyaaraysa uu soo jiido ama si xoog ah dhulka u dhigo mid kale.

Marka kaarka Buluuga loo taago ciyaaryahan waxaa uu banaanka u baxayaa ilaa 10 daqiiqo oo ganaax ah, taas oo fursad u ah kooxda kale. Hadii labo kaar oo Buluug ah loo taagana ciyaaryahanka ayaa la siinayaa kaarka gaduudan ‘Red card’.

Heerka uu gaarsiisan yahay ganaaxa ka dhalanaya kaarkan ayaa ah mid ka hooseeya labada calaamadood ee jaalaha iyo gaduudka.

Sida uu qabo Deysane, tan waxay meesha ka saaraysaa in garsoorayaashu ku deg degaan sida hadda dhacda calaamadaha la isticmaalo ee jaalaha iyo Gaduudka, taas oo fursad u ah ciyaaryahanada.

Kaarkan ayaa hore loo adeegsaday gaar ahaan ciyaaraha aan diiwan gashayn sida kuwada dhalinyarada.

Falcelinta kaarkan Buluuga ah
Waxaa durba soo baxaya falcelin laga muujinayo kaarkan lagu wado in lagu soo kordhiyo kubada cagta, qaar ka mida khabiirada kubadda cagta iyo ciyaartoy hore ayaa ka hadlay kaarkan.

Xiddigii hore ee Realmadrid, Arsenal iyo xulka Jarmalka Mascuud Ozil ayaa ka mid ah dadka ka hadlay kaarkan, laakiin wuxuu isagu si gaara u xusay in kooxo badan ay dhibaato ka soo gaari doonto hadii la dhaqan galiyo.

Ozil ayaa xusay in kooxda Atlentic Madrid oo ka dhisan Spain ay tahay kooxda ugu badan ee u dhibanaan doonta kaarkan isagoo ku sababeeyey in kooxdaas ay difaacyadeedu galaan khaladaad badan oo ay ku galaan ciyaartoyda kooxaha la ciyaaraya.

“Waxaa arki doontaa Atletico Madrid oo lix ciyaaryahan ku soo hareen garoonka haddii kaarkan Buluuga la hirgaliyo” ayuu si kaftana u yiri Ozil.

Tababarayaal hore oo kubadda cagta ayaa iyaguna tilmaamay in tani ay mar kale soo kordhin doonto in khilaafka uu sii xoogaysto.

Mudooyinkii danbe kubadda cagta ayaa lagu soo kordhiyey laba agab oo cusub oo kala ah Goal-line technology iyo VAR, waxayna labaduba dhaliyeen muran xoog leh oo kubadda cagta.

Nidaamka Goal-line technology ayaa lagu hubiyaa saxnaanshaha goolka iyo in kubaddu ka gudubtay xariiqinta u dhaxaysa labada birood ee goolka taas oo wargalin siisa garsooraha dhexda oo qalab ugu xiran yahay gacanta.
VAR, waa tiknoolajiyad kale oo iyadana lagu soo kordhiyey kubada cagta taas oo caawisa garsoorayaasha laakiin ilaa hadda waxaa ka tagaan khilaaf xoog leh.

Aaladan ayaa awood u leh inay soo kala dhexgasho goolasha lagu murmo, khaladaadka lagu galo diilinta ganaaxa iyo digniinta gaduudan ee ay bixiyaan garsoorayaasha.

Ilaa iyo markii VAR la ogolaaday in la isticmaalo waxaa tabasho xooggan ka muujiyey maamulayaasha kooxaha kubadda cagta ee caalamka oo tilmaamay inay iyadu qayb ka tahay khalaadaadka jira.

Lama oga in uu dhaqan gali doono qorshahan kaarka Buluuga ah ee la doonayo in lagu soo daro calaamadaha Jaalaha iyo Gaduudka ee hadda loo isticmaalo kubadda cagta.

Related posts

“Dalka Waxaa Wareeriyey Muuse Biixi…”Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Muranka Doorashooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

“Ilig Iyo Coldoon Dawladu Ma Dahab Ayay Ka Baadhaysa.” Xildhibaan Xasan Ogaal.

Abdiaziz Bnnstaff

Anuu Ilaa Hada Ma Garanayo Cida la Tartamaysa Doorashada Muusena Waa.. Siyaasi Cali Guray

Abdiaziz Bnnstaff