Borama News Network

Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay in ay qabato Xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hoggaanka u qabatay Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika loona soo gaabiyo (EASF) kaddib markii Rwanda laga soo wareejiyay xilkaas.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Soomaaliya ay u tahay fursad muhiim ah in ay noqoto Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga Ciidankaan heeganka ah.

Cabdulqaadir Jaamac ayaa xilkaan kala wareegay dhiggiisa Rwanda Juvenal Marizamunda, go’aankaan ayaa looga dhawaaqay Shirkii 33aad ee dejinta siyaasadda Ciidanka Heeganka Bariga Afrika ee EASF loosoo gaabiyo.

Soomaaliya waqti dheer ayaa ugu dambeysay in ay jagadaan qabato, waxa ay tani qayb ka tahay isbaddelka muuqda ee Dalka ka jira, Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in wax badan ay kusoo kordhin doonnaan Golahaan muddada uu hoggaanka hayo.

Dabayaaqadkii sanadkii tagay 2023 ayay Soomaaliya xubin buuxda ka noqotay Dalladda Bulshada Bariga Afrika, waxa ay ku dhex gashay xafiisyada iyo waaxyaha kala duwan ee Ururkaas leeyahay, halka ay ka qaybgashay shirarka kala duwan ee dhacay.

Related posts

Waraysi: Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani oo qorshayaashiisa iyo aragtiyihiisa siyaasiga ah.

Abdiaziz Bnnstaff

Yaa Inoo Xigto Ah Yaase Inoo Nacab Ah” Sheekh Maxamed Haybe

Abdiaziz Bnnstaff

“Tani Waa Doorashadii Iigu Dambeysay”. Madaxwayne Rejep Tayyip Erdoğan Oo Shaaciyay In Aanu Dib Doorasho U Galaynin

Abdiaziz Bnnstaff