Borama News Network

“Tani Waa Doorashadii Iigu Dambeysay”. Madaxwayne Rejep Tayyip Erdoğan Oo Shaaciyay In Aanu Dib Doorasho U Galaynin

Isaga oo ka hadlaya doorashada dawladaha hoose ee la qaban doono 31-ka bishan Maarso, Madaxweyne Rejep Tayyip Erdoğan waxa uu yidhi, “Aniga ahaan, tani waa tii iigu dambeysay awoodda sharcigu I siinayo, doorashadani waa doorashadii iigu dambaysay, natiijaduna waxay noqon doontaa wareejinta kalsoonida ee walaalaha iiga dambeeya [xilka]”.

Isagoo ka hadlayay kulanka dhalinyarada oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Dhallinyarada Turkiga ee TÜGVA, Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in 31-ka Maarso ay tahay maalin isbedel ah, wuxuuna yiri “Xilligan is-beddelka ah, dhammaan indhaha caalamka Islaamku waxay eegayaan Turkiga.

Maxaa ka dhici doona Turkiga? “Inkasta oo aanay doorashadani ahayn doorasho guud, haddana indhaha oo dhami waxay ku jeedaan doorashada deegaanka, maxaa ka soo bixi kara xisbiga AK ee doorashooyinkan? Ayuu hadalkiisa ku daray.

Edogan waxa uu sheegay in maadaama doorashadu ay muhiim tahay in dhalinyaradu ay iyaguna xil iska saaraan, waxaanu yidhi, “Sidaas darteed, waxaan aaminsanahay in qadiyadeena oo ay ku jiraan dhalinyaro aad u xoog badan, ay ku rajo weyn yihiin in ay jawaabaha lagama maarmaanka ah ka bixiyaan xilalkaas kala duwan habeenka 31-ka Maarso”.

Edogan waxa uu intaa ku daray, “Waxaan ku rajo weynahay inaan bilowno waa cusub laga bilaabo 1-da Abriil.”

Madaxweyne Erdogaan ayaa mar kale loo doortay madaxweyne kadib markii uu kaga adkaaday musharraxa xisbiga CHP Kemal Kılıçdaroğlu ku dhawaad 52 boqolkiiba codadka wareegii labaad ee doorashada madaxtinimo ee la qabtay Maajo 28, 2023 sanadkii hore.

Related posts

Daawo:- Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Weerarka Ay Iran Ku Qaadday Israa’iil

Abdiaziz Bnnstaff

Badhasaabka Gobolka Awdal Ayaa Amray In La Isoo Xidho” Gudoomiye Ku Cigeenka Ururka Qareenada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaan Mahdi Guuleed “Go’aan Taarikhi u Ah Dowladnimadena Ayeey Gaadheen Baarlamaanka Dowlada Somaliya”

Abdiaziz Bnnstaff